shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowlada Mareykan oo Qaramada Midoobe ka codsan doonta ciidamo hordhac ah oo loo diro Somalia.

(Nairobi, July 05,  2008 Ceegaag Online)

Wareysi uu siiyey Danjiraha Mareykanka u fadhiya dalka Kenya Michael Renunberger wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka kenya ayuu ku sheegey in  dowlada Mareykanka ay ka codsaneyso Qaramada midoobe  in ciidamo hordhac ah u diraan Soomaaliya si ay wax ugu qabtaan xaalada amni darida ee ku sii kordheysa dalka Soomaaliya.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Mareykanka ay wax waliba u sameyn doonto  sidii ay dalka Soomaaliya ugu hortagi lahayd  kooxo uu sheegay in ay yihiin Argagixiso oo doonaya in dalka Soomaaliya ay ka sameystaan saldhiyo.

Michael Renunberger ayaa sheegey in ay ka cabsi qabaan in Soomaaliya hoy Argagixiso ka dhigtaan kooxo Argagixo ah oo ka yimid Pakistan iyo Afghanistan

Michael Renunberger ayaa wargeyska u sheegey in ciidamada Qaramada Midoobe ee Soomaaliya la geynayo ay noqon doonaan ciidamo dhexdhexaad ah oo garabyada siyaasada isku haya cidna la safan doonin, wuxuuna meesha ka saarey in ciidamo Mareykan tagayaan Soomaaliya.

Danjiraha ayaa Soomaalida ugu baaqey in dalkooda nabad ku soo dabaalaan islamarkaana la dagaalaan kooxaha xagjirka ah ee doonaya in wadankooda ka dhigtaan hoy Argagixiso.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com