shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladda Rwanda ayaa shaaca ka qaaday in dhamaadka sanadkan ay Ciidamo Nabad ilaalin usoo direyso Somalia.

(Kigali, July 03,  2008 Ceegaag Online)

Afhayeen u hadlay Ciidamada Rwanda ayaa daboolka ka qaaday in go'aanka Ciidamada lagu diri doono la gaari doono dhamaadka sanadkan, isagoo dhanka kale sheegay in ay diyaar yihiin Ciidamadii tagi lahaa Soomaaliya.

Jill Rutaremara oo ah Afhayeenka Ciidamada Rwanda ayaa sidoo kale sheegay in tirada Ciidamada la geynayo Soomaaliya ay go'aankeeda leeyihiin Xukuumada Rwanda oo hordhigi doonto buu yiri Baarlamaanka dalkaas.

Midowga Afrika ayaa waxaa dalka Soomaaliya waxaa ka jooga 2,600 oo nabada ilaaliyaal ah, iyadoo midowga Afrika uu horay u balan qaaday in dalka Soomaaliya uu u dirayo 8,000 oo askari, taas oo ilaa iyo hada aanay soo dhameystirin tiradaas horay loo balan qaaday

Dowlada Uganda oo ah dowladii ugu horeysay oo Soomaaliya geyso Ciidamo ka socda dalkeeda, waxaa ku xiga Dowlada Burundi, Dowlada Rwanda waxay sheegtay in askarteeda si wanaagsan u tababaran yihiin, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan howl galada nabada looga raadinayo dalka ay aafeeyaan colaadaha sokeeye.

Afhayeenka Ciidamada Rwanda wuxuu xusay in ay jirto dhibaato xaga saadka oo ay u baahan yihiin Ciidamadooda, hadii taa la xalin buu yiri ay hakad geli karto howl galka ay ka fulin doonaan Soomaaliya.

Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la sheegaa in dhaq dhaqaaqooda uu yahay mid kooban, waxayna si gaar ah uga howl galaan goobo cayiman, iyagoona mararka qaar la kulma weeraro kaga yimaada dhanka Kooxaha diidan Joogitaankooda jecelna in wadanku kusii jiro Qas, iyo qalalaaso aan dhamaad lahayn.

www.ceegaag.com


 

  

webmaster@ceegaag.com