Dowladda
Yemen oo Marti qaad u fidisay Garabyada Isbaheysiga Asmara
ee ku shirsanaa Yemen.
(Sana'a, July 17,
2008 Ceegaag Online)
Wasiirka Arimaha dibedda ee
dalka Yemen Dr.Abubakar Al Qirbi ayaa martiqaad ufideyey
xubnihii garabyada Isbahaysiga ay wadahadaladu uga socdeen
magaalada Sanca ee dalka Yemen.
Illo xog ogaal ah oo warsidaha
Ceegaag.com u waramay ayaa
sheegay in dowlada
Yemen ay xubnahaas culays
kusaartey inay heshiiyaan oo ay aqbalaan qodobka la iskumari
la'yahay ee ah keenista ciidamo Shisheeye.
Labada dhinac ee Isbahaysiga ayaa isku
soo dhawaaday kadib markii ay ku heshiiyeen in waxyaabaha la
isku khilaafsanyahay dib loogu celiyo golaha dhexe ee
Isbahaysiga kaas oo go'aan ka gaadhi doona.
Mar aan ilo xog ogaalka ah wareysanay
waxa kajira wararka saxaafada kusoo baxay ee ah in
garabyadii waxkasta ka heshiiyeen ayey noo sheegeen in
arintaas tahay isafgarad guud balse aanan wali waxcad la
isla meel dhigin.
Khilaafka udhaxeeya labada garab ayaa
yimid kadib markii garab kamid ah Isbahaysigu uu heshiis
dalka Jabuuti kula saxiiday Dowladda Federaalka, heshiiskaas
oo ay ku gacan seydheen garabka kale ee
Asmara ku sugan ee uu Hogaamiyo Xasan daahir Aweys.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |