shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Fariin Ku Socota Dareewalada Soomaaliya

(Somalia, July 27,  2008 Ceegaag Online)

Waxaan sanadadii ugu danbeeyey ku soo badanaya wadanka Somalia shilalka gaawidhida oo had iyo goor sababa dhimasho iyo dhaawac ka soo gaara dareewalka iyo dadka saaran gaadhigaas. 

Shilalkan oo bishiiba aad mar ku arkayso Shabakadaha war baahinta Somalia ayaa hadana waxaa inta badan lasoo qorin dhacdooyinka shilalka gawaadhida dhamaantood oo maalinkasta iyo isbuuckasta ka dhaca Somalia. Waxayna noqdeen warar aan aad loo xiisayn ama aan sidaaba loo tixgalin in wax laga qoro amaba wax looga qabto.

Hadaba waxaa is waydiin mudan in la is waydiiyo maxaa sababa shilka gaadhiga, maxaase looga hortagi karaa.  Shilku sidiisaba waa wax aanu qofku filayn oo si kadis ah u dhaca, waana laga taxadirikaraa.  Wadooyinka iyo gawaadhidaba waxaa dhisa engineers ku takhasusay badbaadada dadka iyo sidii looga taxadiri lahaa shilalka gawaadhida.  Waxyaalaha ugu waawayn ee keena dhacdada shilalka gaawidha ayaa waxay kala yihiin

  1. Qalabka/biraha gaadhiga oo ciladi ku timaado
  2. Wadooyinku sida ay u dhisan yihiin
  3. Dayactirka wadooyinka
  4. Xirfada dareewalka

Hadaba boqolkiiba sagaashay (90%) ayaa waxaa keena shilka gawaadhida xirfada dareewalka (aqoonta uu u leeyahay kaxaynta gaadhiga) iyo sadexda qodob ee kale mid ama labo ka mid ah. Inta badan waxay dareewaladu dambiga dusha uga tuuraan wadooyinka, gaadhiga iyo dareewalada kale.  Xaqiiqdu waxay tahay khaladka waxaa inta badan keena dareewalka laftigiisa, ha noqoto inuu xawli ku socdo ama uu murqaansan yahayba. Hadaba hadii aynu isla eegno sababaha keena shilalka ayaa waxaad ogaankartaa ka hortaga shilka iyo badbaadinta naftaada, caruurtaada, waalidkaa, xaaskaaga, walaaladaa, ehelkaa iyo qofkastoo aad mus'uul ka tahay marka aad shukaanta hayso amaba aad gaadhiga wado.

           1. Qalabka/biraha gaadhiga oo ciladi ku timaado:

Warshadaha gawaadhida sameeya ayaa waxaa sharci adag looga dhigaa sidii ay u samyn lahaayeen gawaadhi ka sifaysan ciladaha gaadhiga ee keeni kara shilka gaadhiga . Hadaba iyagoo adeegsanaya qalab casri iyo cumputero ah ayey waxay heer ku gaadheen in ay ciladkasta oo halis galinkarta ama keeni karta dhibaato inay ka sifeeyaan si ay dadku uga badbaadaan shilalka nafta halista galiya. Marka uu gaadhigu gacanta warshadaha ka baxo ayaa waxay ka dardaarmaan ciladaha ku imankara gaadhiga, isla markaana sababi kara shilka.  Waxayna kala yihiin:

1- Bireega (breaks) oo ciladi ku timaado oo qaban waaya gaadhiga.

2- Taayirada (tires) oo qarxa.

3- Shukaanta oo is xidha (steering/suspension failure)

    2. Dayactirka wadooyinka iyo sida ay u dhisan yihiin:

Wadoonyinka Dalka gudihiisa oo aan in mudo ah la dayac tirin ayaa ah mid aan labo cali iswaydiinayn in ay tahay sababaha ugu wayn ee dhibaatada ku haysa umada Soomaaliyeed ee ukala socota dalka gudihiisa. Waxna lagama qabankaro ilaa ay timaado dawlad masuula ah oo si daacada ugu adeegaysa bulshada dhamaanteed.

    3. Xirfada dareewalka gaadhiga wada iyo mus'uuliyada saaran:

Darawalku inta badan wuxuu khaladka saaraa qofkale ama waxkale marka uu khalad shilku dhaco.  Markii baadhitaan lagu sameeyey wadamo ka mid ah qaarada Europe iyo Asia ayaa waxaa la ogaaday inay in kabadan boqolkiiba sideetan (80%) ay khaladka saareen qofkale ama waxyaale kale.  Marka boqokiiba shan (5%), ay yiraahdeen khaladka anaka ayaa iska leh.  Boqolkiiba shan iyo tabanka (15%) kale markuu khaladii ku cadaaday. Hadaba baadhitaankan ayaa lagu ogaaday in dareewalkasta aaminsan yahay inuu ka xirfad iyo taxadir badan yahay dareewalada kale ee aduunka.

Waxaan u socdaa dareewalada Somalida ah, adigoo u tudhaya naftaada iyo rakaabka kula saaran gaadhiga aad wadid waxaad mus'uuliyad iska saartaa sidii aad uga taxadiri lahayd waxyaalaha keeni kara shilalka oo leh khasaare lagu waayo naf iyo maalba. Aqoon u yeelo gaadhiga aad wado, dareenkaagana sii wadada aad ku socoto.  Socodka xawliga ahna iska ilaali, waayo waxaa yaraanaya khatarta aad u leedahay inaad shilgasho.

Xigmadu Waxay Tahay:  Mihiim ma aha inaad wakhti yar ku gaadho meesha aad rabtay ee waxaa muhiim ah inuu safarkaagu noqdo safar ka badbaaday waxkasta oo halis ku keeni kara naftaada iyo inta kula socotaba. Fahan qiimaha ay nafdu leedahay iyo birta sida halista u booda.

Hassan (Ciid) Maxamud Ismacil

hassaniid@yahoo.com

  

webmaster@ceegaag.com