Gabadh u
Dhalatay Dalka South Africa ayaa isku Dishey Jaceyl Dartiis.
(Johannesburg,
July 02,
2008 Ceegaag Online)
Gabadh u
dhalatey Dalkan Koonfur Africa oo lagu magaacabo Amirah.
ayaa Isku Dishey Jeceyl Dartiis, kadib markii loo diidey in
ay guursato nin xiriir badan kala dhaxeyeey oo u dhashey
dalka Zimbabwe.
Wargeyska Arrimaha Bulshadda ka Faalloda Ee ka soo baxa
dalkan S/Africa gar ahaan magaalada johannesburg. ayaa
maanta bogga hore ku soo qaatey sheekadan la yaabka badan,
Gabadhan oo da'deeda lagu sheegay 18 jir islamarkaana eheed
gabar wax ka baran jirtey college ku yaala magaalda
johannesburg. ayaa jecel dartiis isku dishey.sida
u sheegay Aabaha dhalay gabadhan oo Wargyska u sheegay in
gabadhiisa ay isku dishey suunta wax disha islamarkaana loo
tagaay iyado meyd ah''
Aabahan ayaa intaa ku darey in gabadhiisa inta aysan is
dilin ay qoortey dhanbaal dheer oo ka hadlaya jecelkeeda
wuxuuna u qoornaa sidatana'
wiilkii aan jeclayoow aduunka waxaan uga tagaay jecelka aan
ku qabey awadeed iyo sida aan muuqaalkagii u waayey anigana
waxaan go'aan saday in aan aduunka iskaga taago macanoow
marwalba waxaa ku taala qalbiga marakstana waan kula jooga''
waxaa erayadaas qoorey Amirah. oo la sheegay inta aysan
dhiman in ay qoortey dhambalkaasii..
Wargyska ayaa wax ka weydiyay Aabaha dhalay gabadha
ujeedadda ka danbaysa ee u uga diidey wiilka ay jecleyd''
Aabihina wuxuu ku jawaabey marnaba gabadheeda uma ogaleyn in
ay guursato Nin ajaaniib ah sababto ah ajaaniibki ku noola
dalka S/Africa waan kawadda eriney dhamaantood umana
ogalaneyno ajaaniib in ay guursadan gabdhaheena waxaa sidaa
yiri Aabahii dhalay gabadha.
Hassan
Yeey
Johannesburg, South Africa
yeey18@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |