Inkastoo la maareeyo gole la isku maandhaafay
Mujalliyo haddii ay shiraan niman muqaawiira ah
Ma
dhabtiyo haddii aan la wicin mudanayaal caana
Oo
meel madow lagu kulmoo la isku maaweelsho
Malkadii horuu taagan yahay meeshi Boocame e
Ma
Laatiyo Cusaa mudanayaal madaxdhaqmeedkeennu!
Maa laga tashado odayadaa marada waawayn leh?
Maskaxdii dhulbahantoo ka badan mi’iyo aalaafyo
Mufti
shiikh ah iyo macallin diin mayor iyo dhiisi
Muhiim
janana maayeel kornayl murashixiin buuxda
Magacleey diktoor iyo abwaan mino wasiir oo dhan
Hal
ninbaa masuul looga dhigay inuu majiiraaye
Madallootiyaa noo tashaday muusannaw badane
Ninkastoo
muraad yeesha oo milicsi doonaaya
Oo
mehered uu haysto raba inaad u maarayso
Iyaguu
ka meeqaansadaa meesha uu rabo e
Maa laga tashado odayadaa marada waawayn leh?
Iiddoorkan muruqaystayee dunida maansheeyay
Isaguba marbuu quudan jiray midhaha toomoode
Nabsibaa u maanshiray inuu mudan ahaadaaye
Maal
iyo wuxuu cudud lahaa meel isugu geeye
Dabadeedna meegaaray gole maamul dawliyahe
Inta
aad makhruuq iyo colaad kula muddaacaysid
Oo
maal ninkale uu tabcaday magac ku doonayso
Maad
maamul aad leedihiyo mudane soo taagtid
Oo
Magaci dheeraa markale uunka maqashiisid!
Maa laga tashado odayadaa marada waawayn leh?
Cid
kastoo is mohondhoohisaba maalikbaw talinne
Inkastooy markii hore ahayd mahadallee dawlad
Haddii
maamulkii Buuntilaan marinhabaaboobay
Maxamuud Saleebaan hadduu lacag ku maaweelay
Warsangali muwaafiqo hadduu mihindisaynwaayay
Moorcase hadduu kali mutoo la isku meegaaray
Ma’widii Abraahiin hadday mudug u sii guurtay
Mahuraanki Tanadiyo haddii Yusuf laga maarmay
Ugayslabe mudkiisiyo haddii Carab la miisaamay
Oon
midhaha Daarood ahayn mudh iyo saaxiibbo
Maxaan
Garawe ugu meeraynaa minanka reer ciise !
Maa laga tashado odayadaa marada waawayn leh?
Haddii
aan munaafaqad xigtiyo balo la miiqaynin
Ama
mooshin hoosiyo colaad lagu midoobaynin
Ama
muran qabiil iyo dunuub lagu macaashaynin
Maxaa
looga meermeerayaa madasha Laascaano (od)
Iyadaaba meel lagu shiriyo murrabi joogtaaye
Iyadaa
mankii reerihiyo ma hurto taallaaye
Millatariga Soomaalilaand waa muqaawilo e
Ma
midiidinbaa loo haystaa madaxda reer Jaamac
Maxaa
loo muqaawaynayaa muqaddimiintooda !
Maa laga tashado odayadaa marada waawayn leh.?
Malafsigii Hargaysiyo Barbara marinki Boosaaso
Magaalada Burciyo Garawe iyo meelwalbaba jooga
Muluhmuluh dhammaatiyo anaa kaa manfaco roone
Maamuus anaa lay hayaa malihi beenoowye
Saddexdii wax loo miisanjiray laysku mariwaaye
Murankeenni waa kaa makallay muxubadeenniiye
Giddigeen maxbuus baynnu nahay lagu macaashaaye
Magan
baan u nahay laba xigtoo murandhexyaallaaye
Meel
dhexe istaagoo adduun meel uun kaga biira
Oo
magaca Daarood hantiya meella laga waayay.
Haddii
kale mushaharkaaga guro meel xillaba jooge.
|