Ganacsade u
dhashay Iran oo Dil lagu xukumay iyo Syria oo iska fogeysay
in ay qarsoodi u sameysaneyso Hubka Nuclear-ka.
(Johannesburg,
July 01,
2008 Ceegaag Online)
Warbaahinta Wadanka
Iran
ayaa tibaaxdey in maxkamada ugu weyn Dalka Iran ah ay xukun
ku riday ganacsade weyn oo u dhashay
Iran islamarkaasna
lagu eedeeyey in uu dowladda Israel jaasuus u ahaa.
Ganacsade Ashtaari oo 43 jir ah ayaa la sheegay in uu yahay
nin Muslim shiici ah islamarkaana ka shaqeysan jirey guud
ahaan Dalka Iran,
Maxkamaddan dalka Iran Xukunka dilka ah ay ku riday ganacsadahan
ayaa ku soo beegmaysa xilli uu jiro khilaaf u dhexeeya
dowladaha Israel iyo Iran oo ku aadan barnaamijka Iran ay ku
doonayso in ay ku samaysato hubka sida weyn wax ugumaada ee
Nuclearka.
Ganacsadaha maxkamadu dilka ku xukuntay ayaa la sheegay in
uu ahaa agaasimaha shirkad iibisa qalabka telephone-da iyo
kuwa amaanka ee ay leedahay xukuumadda Iran.
Sidoo
kale Ganacsade Ashataari ayaa ka hor qirtay maxkamadda in uu
ku lug lahaa eedeenta loo soo jeediyey , wuxuuna codsaday in
uu rafcaan ka qaato xukunka ay maxkamadda ku soo rogtay.
Ashtaari waxa uu sheegay in sirdoonka israa’iil ay u soo
bandhigeen lacag 50 kun oo dollar si aan ugu soo gudbiyo
sirta dowladda Iran.
Si
Kastaba ha ahaatee Dowlada
Iran
oo ah dowlad aan aqoon sananyn israa’iil ayaa marar badan ku
dhawaaqdey in ay gacanta ku dhigtay kooxo ay ku sheegtay in
ay u basaasayeen dowladaha mareykanka iyo israa’iil .
*************************************
Syria oo iska Fogeysay in ay qarsoodi u sameysaneyso
Barnaamijka Hubka Nuclear ah.
Wasiirka
arrimaha dibadda ee Wadanka Syria Waliid Almucalim ayaa tibaaxey
markale in dowladiisa aysan lahayn barnaamij-ka nuclear oo
sir ah.
waliid
Al-mucalim ayaa shir jaraa’id ay kuwada qabteen Magaalada
Dimishiq dhigiiisa U Fadhiya dalka Norway ninka la yiraahdo
Jonas Jaahar Story .
Warbaahinta dalka Syria ayaa waxay sheegen in hadalkan kii
ugu horeeyey ee ka soo baxa mas’uul dowladda Syria ah ka dib
booqashadii baarayaashii ka socday caalamka ay baareen gobo
lagu tuhunsan yahay in dowladda Syria ay kawado samaysashada
barnaamij-ka nuclear oo sir ah.
Almucalim waxa uu cambaareen u jeediyey Wadanka Israa’iil oo
duqeyn u gaystay goobtaas ay israa’iil ku sheegtay in
Syria
ay ka waday barnaamij-KA nuclear oo sir ah.
Sidoo
Kale Almucalim waxa uu yiri “ aniga ku hadlaya afka-dowladda hadii
ay Syria lahaan lahayd barnaamij Nuclear oo sir ah
Syria
uma aysan ogolaan lahayn baarayaal kasocda caalamka in ay
tagaan Dalka Syria.
Hassan
Yeey
Johannesburg, South Africa
yeey18@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |