shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hal ruux ayaa dhintay, labo kalena wey ku dhaawac-meen, kadib Mudaahaarad xoog leh oo ka soconaya Magaalada Hargeysa.

(Hargeysa, July 07,  2008 Ceegaag Online)

Ciidanka Booliska ayaa waxa ay isku deyayaan, in ay baajiyaan mudaahaardka hase ahaatee, way u suura gali weeyday, in ay baajiyaan, dadka oo aad cadho uga muuqatay darteed, taas oo sababtay, in markii dambe, xabadihii, kor loo ridayay, hoos loo rido, khasaaro nafeedna halkaasi uu ka dhaco

 

Mudaaharaadkani oo xoogiisa ka soconaya, guud ahaan Koonfurta magaalada, ayaa waxa uu ka bilaawday, kadib hadal kasoo, yeedhay Masu`uul ka tirsan, gobolka Awdal, oo sheegay in Dowladu ay ka bilaabayso magaalada Boorama , mashruuc biyo qodis.

 

Iyadoo laga warqabo in uu socday mashruuc balaadhan oo biyo qodis ah, oo laga waday baryihii dambe Koonfurta magaalada, Mashruucani oo ahaa mid aad loo sugayay,

                             

 

Intaa kadib saaka ayaa waxa uu Amar ku bixiyay duqa magaalada Hargeysa, in la joojiyo Howshaasi, taasi oo ay walaac ka muujiyeen, dadweynihii xaafadahaasi ku sugnaa, Mar aan wax ka weeydiiyay, qaar ka mid ah dadkaasi isugu soo baxay, magaalada ayaa waxa ay ii sheegeen, in ayna marna ogolaaneynin, in biyo qodistaasi loo wareejiyo Magaalada Boorama.

                            

 

Guud ahaan waxaa kala xidhan magaalada, Taayarro, ayaa lugu gubay, wadooyinka qaarkood, sida wadada weyn ee kala qeybisa, magaalada, Waxaa sidoo kale go`an, buundada weyn ee halbowlaha u ah, magaalada, Ma jiraan ilaa iyo haatan war rasmi ah oo kasoo baxay, Maamulka  marka laga reebo, Baaqyo ay soo jeedinayaan, Mas`uuliyiin, iyo wax garad

Xafiiska Wararka Ceegaag.com

Hargeysa

  

webmaster@ceegaag.com