Abwaan Xaaji Maxamed Hiirad oo u soo jawaabay Aqoonyahan Jamaal Xaaji Cali Cilmi Iidle
(Minnesota, USA, July
04,
2008 Ceegaag Online)
Abwaan Xaaji Maxamed Hiirad oo u soo jawaabay Aqoonyahan Jamaal Xaaji Cali Cilmi, Waxaana Xaaji Maxamed Hiirad oo hadda Giraanta ku soo noqday uu yidhi.
Nin ninhalgamey habkuu doorto iyo, himiladuu doono
Hamigiyo dadaal wuxuu harjado , oo hurdada diido
Hungo iyo inuu hoog mutoo, hibashadii raagto
Hawiraad naftiisii inuu, hogob ka tuuryeeyo
Aakhirana haawiya ku dhaco, halasyadii naarta
Ama uu hogaan bira noqdoo, la hambalyeynaayo
Qiyaamahana hooygii jannada, loogu hadiyeeyo
Waa lama huraan inuu miduun, soo hirgeliyaaye
Jamaal xaaji haasaawe gabay, kuma hallaynayne
Hal abuuro uu qoray ma maqal, manta ka hortow e
Heestaba dar baa igu lahaa, wiil kalaa humaye
Hayeeshee haddaan hoos u dego, hadafka weedhayda
Hud-hud baa carada buuxa iyo, qaar habaar qaba e
Hagar iyo Hayaag waa heshiis, waana la hubaaye
Ragaan kala hadhayn maalin qudha, boqol hadduu hoobto
Oo hiil ku kala baaqsanayn, hoona kala waayin
Maxaan ficil midkood ku higsadaa, waaba hayb qudhahe
Nin hagraday xigaalkii hadduu, libin ku hooynaayo
Dar huraa ku soo heli lahaa, haybad iyo faane
Hadduu rabo dagaal lagu herdamo, laguna sii heermo
Oo hiirta waabire hujuum u hinqadoo duulo
Oo qaar hurdoo gama’sanaa, hoobiyaha saaro
Oo qaar dhibkaba hiifay iyo, hanadu uu toogto
Ama qaar u xigay hooyadii, hanaqa uu taabto
Habaryariyo Eeddooyinkana, hoognay ku abaadsho
Ama horin walaalihi dhaleen, wada halaakeeyo
Bal maxaad helaysaa ku dhaha, habi la’aantiisa
Ma dhiigaa ka soo hoorayuu, habacan oo fuudi
Ma hilibkooda caatada ah buu, ka hirqan oo naaxi
Afartaa Ninkii Iga Hor yimi mawgu Hula sheegay
Sidii Hogol Kaliileed Khalqiga Hababac maw Siiyey
Hawadayda isagaa galaye Hibasho Maw reebay
hadaan Webi Ku haw siin lahaa Dib Uma Heeseene
Haybtiyo Xigtaa i hakisayoo Hooyo waa sahale
Jamaal Dhaha halkaasan Hojee adiyo hawshaada
Xaaji Maxamed Hiirad
Xigasho: Buuhoodlemedia
webmaster@ceegaag.com |