Gabaygan waxaa la yidhaahaa weyllun. Kii ka horeeyeyna waxaan u bixiyey Alamtara. Labadaa gabayba waxaa sababay gabay hore oo waano ahaa oo tol dhibaato kala gaadhay ku kala maslaxayey, dabadeedna nin durdurinayaa daf isoo yidhi isagoo gabay la daalaa dhacaya. markaasaan waxaan damcay inuu dib uga joogsado dawga uu kusii daaduumayo, Alamtara ayaan ku akhriyey. Waa ku joogsan waayey, iminkana tan aan soo wadaa waa weyllun. Hadduu taa ku joogsan waayo, Dib la iiguma halleeyo. Waylluna waatan
Ahmed Naasirow hadal murtida ma hadho reebaaya
Oo lagu hanuunoo dadkuba badi ku haasaawo
Iga hooya hibo eebbahay idin haleelsiiye
###############
Nin habeena badan soo jiroo hawl gabaan ahaye
Nin harreed cad baan ahay gadh iyo halab mdoobayde
Waxaan ahay nimay hanaddadii wax u higaadsheene
##############
La hadh galay hormuudkii Caliba geed Hareeriyahe
Ismaaciilna heel lagu casumay soo hor joojsadaye
Hawraarihii ina baxnaan hal ima dhaafayne
Hooyaalihii aadan iyo dirir intuu hoorshey
Hanti taalla weeyoo dhaxloo waw han weynahaye
Cumar hadalasii cuslaa ma aan halmaamayne
Dhuux obsiiye iyo ciise holan wow hamuun qabaye
Intaasoo halyay wada ah iyo horin kaloo Dayl leh
Mahallaynin waxay noo hureen hadiyadoodiiye
Hadal kalana waa wiilkan iyo hello tumiddiisa
################
Nin habaabay hilinkuu maraa waw habboonyahaye
Habayaaci maansada ninkaan haarib ku ahayne
waa lagu hanqaarmaa nin xumi maanyaduu humaye
##################
Alamtara hor dhigay oo ibliis ka hufiyoo waalye
Waakaa hareer maray murtida hoga tuskeediiye
hadba gees u haadkiyo durduro hadaf la’aantiisa
hirashada hawiye doonka iyo habar xabuusheedka
dadku haatan waa yaaban yahay habaqlihiisaase
Dab midkii hulaaqshaa ka daran kii halligay kooxe
Colaadduu humaayiyo beladuu ku hidisoonaayo
Hubka uu gadaayiyo hantida u huray ee dhiibay
Hamigiyo hurgumadaa qalbiga ka huraysee jiifta
Jimankaa hallaasiga u tumay aan ka hadhi doonin
Hayaag kala gurkisiyo tolkiis hayb u kala sheega
Ee haybaddii BOQORKA galay hooda xumidiisa
Hor Ilaahay isagaa la tegi hooyga aakhiro e
Ka hadhaye mindhaa weyllun buu ku hakan doonaaye
###################
Haddii hilibka nacas kaa hor hudho ama habaas taabto
Nin hanweni calaf aanu hubin u hunguraan waaye
Anna gabayadii aan hufnayn ima habsaanshaane
Waanigaa ka haayiray jamaal heesta uu wdo e
M. Hiirad
Xigasho: Buuhoodle Media
|