Isbaheysiga Asmara garabka Xasan Daahir Aweys oo ku shiraya
Asmara.
(Asmara, July 03,
2008 Ceegaag Online)
Wararkii ugu
danbeyay ee Asmara naga soo gaadha ayaa sheegaya in kooxda
ku fikirka ah Xasan Daahir inay qabteen shir uu
shirgudoominayay Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi waxaana
looga hadlay u diyaar garowga shir kasoo horjeeda shirka ka
socda Jabuuti iyadoo lagu wado inuu qabsoomo maanta oo ay
taariikhdu tahay 03/07/2008.
Asmara
wararka ka imanya ayaa waxa ay sheegayaan aqbalaadii Xasan
Daahir in ay wefdi ka socda Asmara ay garaan dalka yemen in
ay suurtagal noqon waysaday ,Shirkan Asmara ka dhacaya ayaa
waxaaa ka mid ahaa ragii ka qayb galaya Sh. Xasan Mahdi
kasoo ka hadlaya dastuur cusub oo ay ku howlanyihiin halka
uu maraayo diyaarintiisa taas oo uu sheegay in ay soo
dhameeyeen howshooda waxaana uu amaan u soo jeediyay
gudiyadii la shaqeynayay.
Sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu isna ka hadlo qabanqaabada
diyaar garoowga qabsoomida shirka maanta ka furmaya Asmara
Maxamed Xaashi waxuuna sheegay in dhammaan guddiyada
qabanqaabada shirka ay soo diyaariyeen dhamaan howlihii laga
sugayay, waxaa kaloo uu sheegay inay soo gareen xubno ay ka
mid yihiin Sh. Cabdullaahi Cali Xaashi..
Yemen Martiqaadkaan ay u fidasay labada dhinac Kulanka lagu
dhex dhexaadinaya Xubnaha Isbahaysiga ee úu qilaafka ka
dhaxeeyo ayaa waxaa ka hadlay Xasan Daahir Aweys isagoo
sheegay in kulankaasi aanu isaga ka qeyb gali doonin Balse
ay wadaan Xubno isbahaysiga ka mid ah waxii kasoo baxana
cidii diida iyadaa ku ceeboobi doonto,
Kulanka Yeman ayaa waxaa surtagal ah in uu dhaco ama uusan
dhicin waa haddii ay suurtagal noqoto inay xubno kasoo
baxaan dalka Eritrea uuna ogalaaddo Madexweynaha dalka
Eritrea in ay gaaraan qaar ka mid ah Xubnaha isbahaysiga
dalka Yemen, Si shirkaas loogu talogalo in la yiraa waa
fashilmay Si shirarka la qaban qabinaayo loogu magacaabo
xubno cusub.
Si kasteba ha
ahaatee wararka ka imanaya Magaalada Asmara ee xarunta Dalka
Eritrea ayaa waxa ay sheegayaan in aysan jirin kalsooni
lagu qabi karo cidii Asmara mar uun katagta inay dib ugu soo
labanayso.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |