Isbaheysiga
Asmara oo Sharci ahaan Ansixiyay Heshiiskii Jabuuti ay ku
gaareen Dowladda KMG iyo Mucaaradka.
(Jabuuti, July 20,
2008 Ceegaag Online)
Xubnaha Isbahaysiga Asmara oo maalintii shalay ahayd uu kal
fadhigii labaad uga furmay guriga shacbiga ee magaalada
Jabuuti ayaa cod aqlibiyad ah ku taageeray heshiiskii lagu
gaaray dalka Jabuuti kaas oo u Dowlada KMG ah iyo
Isbaheysiga Asmara.
Heshiiska ayaa kol hore waxaa soo qaban qaabiyay wakiilka
gaarka ah ee xoghayaha guud Ahmed Ould Abdallah isagoo
dhinacyada ku casuumay inay Jabuuti isugu yimaadaan.
Xubnaha golaha dhexe ee Isbahaysiga ayaa soo dhaweeyay
sharaxaad laga bixiyay qaar ka mid ah qodobada heshiiskii
Jabuuti oo markii hore muran dhexdooda ah dhaliyay , iyagoo
muujiyay inay muqadas tahay midnimada isbahaysiga , xubnaha
ayaa ka codsaday beesha caalamka inay gar gaar la gaarto
dadkii ka barakacay gudaha magaalada Muqdisho oo ay heysato
dhibaato xaga Bini’aadanimo.
Shirkii shalay ka furmay magaalada Jabuuti ayaa waxaa ka soo
qeybgalay in ka badan 100 xildhibaan oo ka tirsan golaha
dhexe ee isbahaysigaasi , inkastoo rag kale oo aad loo
qadariyo ay goobta ka maqnaayeen.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |