Nin hamrada markii gole la humo laga hog roonaaye.
Hadhowbuu markay rag is hayaan hoos u dhagacdaaye
Hadalkuba marbuu kuu noqdaa hub iyo baaruude
Waa waxa Hayaagaba ka dhigay hoos ku jirahaase
Hadday talada hooshaariyaan lama hujuumeene
Iyagoo hunnuuddiyo ka badan dunida haafkeeda
Huwan baa la moodaa markaad hoos u dhugataaye
Ma habaarradii nabiyadaa haatan agabeelshay?
@@@@@@@@@@@@@
Heerkaad ka joogtaan adduun hediba maysaane
Hoodaale beenoow haddaad saa ku hoyataane
Haasaawi maysaan haddaad hebed ahaatiine
Hablihiinna lama guursan karo heedhe eegadane
Anigoon colaad hurinahayn lagu halaakoobo
Inaad haybaddiinii heshaan ku hamiyaayaaye
Ha maqlina hanjarafiinta kale waydin hodayaane.
@@@@@@@@@@@@@@
Hal abuurka maansada rag baa igaga heelwayne
Markay gabayga haaneediyaan uma hambeeyaane
Habaarbaa ku dhacay reer tolkay hobolladoodiiye
Halxidhaale kuma heerranee way hamranayaane
Inkastuu habaar qabe ku jiro lagu humbaalaysto
Inay heello soo tirin ciyoon hubantiweeyaane
@@@@@@@@@@@@@@
Haddii gabaygu waa hibo allee kaa horbaxanyeeyo
Oo hoorintii luuqda iyo hadafku kaa leexdo
Ama Harodigeed iyo Dhanaan kuu hawadiyeeyo
Ha walwalina hunuf baan ogayn hiilku suu yahaye.
Anigaa hoggaan bari ninkii hadimo keentaaye
Iska hoorsha kuwii HAGARBA waa hadal xumaysteene.
Jamaal Xaaji Cali Cilmi
|