shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jandayi Frazer oo ka hadashay kala qeybsanaanta ku timid Isbaheysigii Asmara.  

(Washington, July 26,  2008 Ceegaag Online)

Kaaliyaha Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Jandayi Frazer ayaa sheegtay inay taageersan tahay Dowladda Mareykanka dadaalka dib u heshiisiinta ee ka socda dalka Jabuuti, iyadoo si gaar ah u soo dhaweysay heshiiskii Jabuuti ku dhex maray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha Isbaheysiga garabka Labada Shariif.

Ms Jandayi Frazer ayaa kaloo sheegtay in Kooxda Al-Shabaab ay tahay kooxda Kaliya ee beegsata Samafalayaasha ka shaqeeya gudaha Soomaaliya, iyaga ayaa ka mas'uul ah dilka loo geysanayo shaqaalaha Samafalka ee ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya

Iyadoo ka hadlaysay kala qeybsanaanta ku timid xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta gaar ahaan khilaafka soo dhex galay Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Daahir Aweys waxa ay sheegtay inay ka walacsan tahay xaaladda Isbaheysigaas, waxay fogeysay sheegashada Xasan Daahir Sheegtay in loo doortay Guddoomiyaha Golaha fulinta Isbaheysigaas, iyadoo dhanka kalena sheegtay inay taageersan tahay garabka Jabuuti ku sugan oo uu hogaaminayo Sheekh Shariif.

“Xasan Daahir Aweys haddii uu rabo in Liiska Argagixiisada laga saaro waa inuu ka qeybgalo wada xaajoodka socda”ayay tiri Jandayi Frazer

Waxay sheegtay in Xukuumadda Mareykanka ay taageersan tahay qorshaha Ciidamada Qaramada Midoobay lagu geynayo Soomaaliya, sidoo kale waxaa ay meesha ka saartay in Mareykanka ku qanacsan yahay joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya

“Shaqsiyan waan la hadlay Itoobiyaanka  inaysan galin gudaha Soomaaliya, balse dhibaatada ka jirta Soomaaliya waa ka horeysay gelitaanka Ciidamada Itoobiya, waxayse Itoobiyaanka sidaas u yeeleen sugidda ammaanka qarankooda.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com