shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Bayaan ay Soo saareen Isimada iyo Cuqaasha Beesha Warsangeli.

(Badhan, July 04,  2008 Ceegaag Online)

Shirar maalmahan uga socdey Isimada , Cuqaasha, Guurtida iyo Culimada beesha Warsangeli ayaa waxa looga hadlayey arimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsanayd xaaladda nabadgelyo ee degaanka oo todobaadyadii la soo dhaafay isbedello ku yimaadeen , kadib markii budhcad badeed buuraha Calmadow la soo galeen labo qof oo ajnebi ah oo ay kasoo qafaasheen biyaha caalamiga ee Badda Cas.

Sida uu warbaahinta u sheegay Shiikh Axmed Shiikh Saalax oo shirku af-hayeen u doortay waxa shirku bayaan kasoo saaray arimo khuseeya dhanka nabadgelyada iyo haysashada dadka Ajnebiga ah , waxa uu ka koobnaa qodobadan :-

1. Waxa shirweynuhu canbaareeyey budhcad badeedda iyo falalka afduubka ah ee lagu soo qafaashay dadka Ajnebiga ah .

2. Waxa shirweynuhu Budhcad badeedda ugu baaqay iney si shuruud la'aaan ah usii daayaan lammaanaha ajnebiga ah ee ay ku haystaan buuraha Calmadow.

3. Shirku wuxu caalamka  ugu baaqayaa in gacan laga geysto siideynta dadkaas la haysto si shuruud la'aan ah.

4. Shirweynuhu wuxu ka digayaa in cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii budhcad baddeeda la siiyo wa madax furasho ah .

Waxaa bayaanka saxiixay :

  1. Suldaan Siciid Suldaan C/salaam : ( Suldaanka Guud ee beesha ).
  2. Ugaas Ibraahim Cali Shibbiin.
  3. NB. Maxamuud Cabdalle Dabshid.
  4. NB. Maxamuud Axmed Yuusuf ( Xawar).
  5. NB. Jaamac Warsame Faarax (Jafaal).
  6. NB. Xasan Faarax Maxamuud.
  7. NB. Xasan Cali Xasan.
  8. NB. Maxamuud Xasan Maxamuud.
  9. NB. Abshir Qaadi.
  10. NB. Cabdi Saalax Faarax (Cabdi-wabax).
  11. NB. Maxamuud Faarax Ducaale.
  12. W/NB. Daahir Cali Cabdi.
  13. W/NB. Cali Maxamed Ducaale (Cali Buux).
  14. Cawed Suldaan Maxamuud
  15. Maxamud Maxamed Shire
  16. Shiikh Axmed Shiikh Saalax.
  17. Casayr Faarax Bile.
  18. Cali Cabdi Aw-jibriil.
  19. Shire Saalax Axmed.
  20. Khaliif Xuseen Kamiin.
  21. Cabdalle Maxamuud Naxar.
  22. Bashiir Cali Dheeh.
  23. C/laahi Axmed Yuusuf (bahal-food).
  24. Maxamuud Axmed Barre.
  25. C/raxmaan Aw-cali.
  26. Cabdalle Maxamuud Cabdi.
  27. Shire Maxamed Saalax

Maxamuud Ciyoon

Xigasho: Dhahar

  

webmaster@ceegaag.com