Kooxda Al-shabaab
oo sheegatay weerarkii iyo duqeyntii xalay lagu qaaday qeybo
ka mid ah magaalada Baydhabo.
(Baydhabo, July
08,
2008 Ceegaag Online)
Afhayeenka
Ururka hubeysan ee Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abu
Mansuur oo qadka taleefoonka shir jaraa’id ugu qabtay
warbaahinta ayaa qirtay in xoogagooda ay ka dambeeyeen
duqeyntii iyo weerarkii xalay lagu qaaday qeybo ka mid ah
magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Sheekh
Mukhtaar Roobow wuxuu sheegay in xoogagga Al-shabaab ay
xalay la wareegeen gacan ku haynta qeybo ka mid ah magaalada
Baydhabo oo ay ka cayriyeen ciidamada cadowga iyo kuwa daba
dhilifka u ah ee halkaasi ku sugnaa, sida uu hadalka u
dhigay, wuxuuna intaa ku daray, in ay duqeeyeen garoonka
diyaaradaha ee magaalada Baydhabo iyo madaxtooyada oo ay ku
sugnaayeen wax uu ku tilmaamay cadowga Ilaahay.
Afhayeenka
Ururka Al-shabaab Abuu Mansuur wuxuu sheegay in aanay
dhankooda wax heshiis xabbad joojin ah la geli doonin
ciidamada Itoobiya iyo Dowladda federaalka toona tan iyo
inta ay ciidamada cadowga ku sugan yihiin ciidda Soomaaliya,
madaxda hogaaminaysana dawladdana ay dawladnimo sheeganayaan,
wuxuuna intaa ku daray in dagaalka ka dhanka ah cadowga
Ilaahay iyo Murtadiinta ay sii wadi doonaan ilaa ay dalka
Soomaaliya ka xoreeyaan.
“Magaalada
Baydhabo waa magaalada aad ku sheegayseen inay ammaan idiin
tahay oo aad gacanta ku haysaan, waana Ilaahay Mahaddiis mar
haddii Mujaahidiinta ay qeyb ka mid ah magaaladaasi gacanta
ku hayaan” ayuu yiri Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo
dhinaca kale sheegay in xabaddoodu ay ku wajahan tahay oo
kaliya Cadowga Ilaahay iyo kuwa Murtatiinta ee iyaga daba
orda.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |