Kooxihii burcad
badeeda ahaa ee afduubka ku heystay Markab Jarmalka laga
lahaa oo ay sii daayeen markii Madax Furasho lasiiyay.
(Somalia, July 09,
2008 Ceegaag Online)
Kooxihii burcad badeedda ahaa ee muddooyinkii ugu dambeeyay
afduubka u haystay markab ka diiwaan gashanaa dalka Jarmalka
ayaa shalay gelinkii dambe fasaxay markabkaasi kaddib markii
sida la sheegay ay qaateen lacago madax furasho ah oo aan
cadadeeda la shaacinin.
Markabkan oo lagu magacaabo Lehman Timber kana diiwan
gashanaa dalka Jarmalka ayay kooxo burcad Soomaali ah ka
qafaasheen xeebaha Gacanka Cadmeed 28-kii bishii May ee la
soo dhaafay, waxaana markabkaasi saarnaa kabtanka oo u
dhashay dalka Ruushka, afar ka mid ah shaqaalaha oo u
dhashay dalka Ukraine.
Kooxaha afduubka ku haystay markabkan ayaa waxay qabsadeen
waqti kama dambeys ah oo ku beegnayd 7-da Luulyo oo shalay
ku beegneyd iyagoo ku hanjabay in haddii waqtigaasi ka hor
madax furasho la siin waayo ay gebi ahaanba dili doonaan
shaqaalaha markabkaasi, iyagoo xabbado kor marsiyay
shaqaalaha si ay u cabsi geliyaan, sida uu xaqiijiyay
kabtanka markabkaasi oo eheladiisa la xiriiray kaddib markii
la sii daayay.
Lama
shaacinin inta ay la eg tahay lacagta madax furashada ah oo
ay qaateen burcad badeeddaasi inkastoo ay horay u dalbadeen
lacag gaaraysa 750,000 oo Dollar, balse kabtanka markabka
ayaa xaqiijiyay in kooxahaasi burcad badeedda ah tirsadeen
lacag fara badan oo boqollaal kun gaaraysay.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |