shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kulan Diineedkii ugu weynaa Abid, ee Baryahan ka soconayay Hargeysa, oo Xalay lasoo Gaba gabeeyay.

(Hargeysa, July 18,  2008 Ceegaag Online)

Kulankan xalay lasoo gaba gabeeyay, oo socday mudo 8-casho ahi, ayaa ahaa mid aad u xiiso badnaa,marka la fiiriyo culumada kasoo qeyb gahsay oo ka ka kala timi guud ahaan Goboladda Somalia waxaa kasoo qeyb galay dad aad u tiro badan, oo lagu qiyaasay, 40,000, hadaanay kaba badneyn,

Wax yaalaha kale, ee uu kaga duwanaa kulamadii hore, hadii aynu soo qaadano waxaa ka mid ah, markii uu buuxsamay, Afartii Dabaq ee masaajidka, ayaa dadku waxa ay ka daawanayeen, Derbiyada masjidka, oo lagu xidhay, Shaashado waa weyn,

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb qaadanayay, intii uu socday, culumo awdiin magac ku leh guud ahaan dalka soomaaliya, Sida, Sheekh Maxamed Dirir, Sheekh C/naasir Xaaji, Sheekh Cali Warsame, Sheekh Yuusuf Aadan, Sheekh Maxamed Aadan, Sheekh Xasan C/Salaan, iyo culumo kale, oo ka yimid Qaarada Yurub.

Waxaa kaloo kasoo qeyb, galay, Wasiiru Dowalaha Wasaarada Arimaha gudaha, ee Somaaliland, Xasan Macalin, iyo Salaadiin Kasoo Jeeda Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Ugu dambeyntii xalay oo ahayd habeenkii ugu dambeeyay, Kana dad badneyd habeenadii hore, ayaa culumo Awdiinku, waxa ay guud ahaan dadka Soomaaliyeed usoo jeediyeen, dar daaran aad u qiimo badnaa, oo ku saabsan in diintooda ay ilaashadaan, ALLAH,-na laga cabsado,

Waxaa kaloo xusud mudan, in kulankani intii uu socday, Laga Dhageysanay, ama lagala socday Qaaradaha Europe iyo North America.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com

Hargeysa

  

webmaster@ceegaag.com