shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Banaanbax lagu taageerayo nabada Gobolka Sanaag ayaa saaka ka dhacay Magaalada Badhan       (Daawo Sawirada)

(Badhan, July 16,  2008 Ceegaag Online)

Banaanbax balaadhan oo ay ka qayb qaateen Ururada Bulshada rayidka ah ayaa ka dhacay maanta magaalada Badhan ee xarunta Gobolka Sanaag, ujeekiisa ayaa waxa uu ahaa mid lagu taageeri lahaa Nabada Gobolka Sanaag, boqolaal ruux ayaa socod ku maray wadooyinka magaalada Badhan kuwaasi oo sitay Boodhadh.

Saynab Ismaaciil Maxamed (Tiinbiye) oo ka mid ah dadka sida wayn u soo  abaabulay kulankaasi lagu taageeriyay Nabada Sanaag ayaa sheegtay in ay ugu tala galeen Banaanbaxaasi in Bulshada reer Sanaag laga dhaadhiciyo Nabada inay ka shaqeeyaan oo ay taageeraan dadka xusul duubka ugu jira kor u qaadka Nabada Gobolka Sanaag.

Saynab Tiinbiye ayaa sidoo kale sheegtay in banaanbaxaasi ay hareer socotay baraarujin dadka loogu sheegayo inay taageeraan dibu dhiska Dekeda Laasqoray oo dhawaan bilaaban doona.

Boqolaal ruux oo sitay boodhadh ayaa waxay socod ku mareen wadooyinka waa wayn ee Magaalada Badhan kuwaasi oo ku dhawaaqayay  Hadalo lagu taageerayay Nabada Gobolka Sanaag, dadku waxay is taageen dhulka ay ay badanaan isugu yimaadaan Bulshada reer Badhameed kuwaasi oo wacyigalin balaadhan halkaasi ka bilaabay, waxa xusid mudan in haweenka qaarkood ay halkaasi Buraan-Buro qiima badan oo nabada khuseeya soo jediyeen.

Iskuulada ayaa inta badan la xedhay iyada oo maalin ka hor dadka loo sii sheegay inuu dhacayo banaanbaxaasi Nabada lagu taageerayo, dibadbaxaasi ayaa waxa ka qayb qaatay dhamaan Bulshada reer Sanaag kuwaasi oo dadka looga kala gacan haadiyay Magaalooyinka Dhahar Xingalool, Ceel-Buh iyo Hataaftimo.

Dadka dibadbaxaasi waday ayaa waxay wajiyadooda ka muuqatay faraxad iyo rayn rayn kuwaasi oo sheegay inay diyaar u yihiin ka shaqaynta Nabada iyo ka qayb qaadashada dibu dhiska Dekeda Laasqoray.

Magaaladu inta badan waa xidhnayd iyada oo Goobaha Ganasiga Albaabka laysugu dhuftay si looga qayb qaato dibadbaxaasi lagu taageerayo Nabada Gobolka Sanaag, dadka ayaa baaqyo u diray kuwa Afduubka u haysta labada ruux ee Ajaanibka ah kuwaasi oo ugu baaqay inay dadkaasi si nabad ah ku sii dayaan.

Dibadbaxaasi ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili dhawaan Gobolka Sanaag ay ka dhaceen qul qulatooyin kuwaasi oo ay wadaan Maamulka Somaliland oo inta badan doonayay inuu lugaha qabto hanaanka la doonayo in hormar buuxa looga dhaliyo Gobolka Sanaag.

Casayr  Faarax Bile oo ka mid ah Odayaasha Sanaag

Xigasho: Laasqoray

 

  

webmaster@ceegaag.com