Maamulka
Puntland oo jawaab ka bixisay baaqii Isimada ee ku aadanaa
dhaliisha Xukuumadda.
(Garoowe, July 02,
2008 Ceegaag Online)
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasaaradda Warfaafinta
ee Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in qoraalkii ay soo
saareen Qaar ka mid ah Isimada Puntland aysan Dowladda la
socon isla markaana aysan jirin go'aano ugu yimid Isimada
Puntland, wuxuuna Warsaxaafadeedka u qornaa sidan:.
WAR MURTIYEED
Maalintii Isniinta 30-kii bishii Juun 2008, waxaa
warbaahinta lagu baahiyay qoraal ku saabsan go'aano ka soo
baxay shir la sheegay in uu Garoowe ka dhacay oo ay soo
saareen qaar ka mid ah Isimada Puntland.
Qoraalku wuxuu xambaarsanaa dhaliilo, tilmaamo iyo talooyin
loo jeediyay gobolada iyo dadweynaha reer Puntland, iyadoo
aan hore loo ogsooneyn shir Garoowe Isimada ugu socday.
Xukuumadda Dowlad Goboleedka Puntland waxay xurmo iyo
qadarin weyn u heysaa hoggaanka dhaqanka guud ahaan, gaar
ahaanna Isimada Xidhiidhka Dowladda iyo Isimada wuxuu had
iyo jeer ahaa joogto ay kaga wada tashadaan xaadalaha dalka
soo wajaha.
Hadaba Maamul Goboleedka Puntland waxay halkan ku
cadeyneysaa:
1. In aaney jirin go'aan ugu yimid Isimada Puntland
2. Waxaa Dastuurka dalka u yaal dhinac marsan in gobolada
lagu khaldo isugu yeeris ergooyin uusan dalbin maamulka.
3. DGPL waxaa u degsan sharci iyo nidaam dowladeed oo kala
qeexan, mana ogolaan doonto falal loo fasiran karo in lagu
burburiyo jiritaankeeda oo howlo iyo marxalado badan ummadu
u soo mareen.
4. Ciddii ay ka dhab tahay doonis is-badal maamul waxaa ay
tixgelinta shacabka ku kasban karaan marka ay xeeriyaan
sharciga iyo nidaamka waqtiga doorashada, isla markaana ayan
horseedin cadaawad wax dumis ah xilliyadaan arrimaha
Soomaaliya ay cakiran yihiin.
C/raxmaan
Maxamed Saalax
Wasiirka Warfaafinta Maamul Goboleedka
Puntland
Garoowe,
Somalia
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |