shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxii Hay’adda UNDP ee magaalada Muqdisho oo ay xalay Kooxo hubeysan Toogasho ku dileen.

(Muqdisho, July 07,  2008 Ceegaag Online)

Sarkaalkan oo ahaa Madaxii Hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arimaha hormarinta ee UNDP Xafiiskeeda Magaalada Muqdisho ayaa la dilay xilli uu ka soo baxay Masaajidka salaadii Cishaha kadib, waxaana toogasho ku dilay Niman Bastoolado ku hubeysan.

Marxuum Cismaan Cali Axmed ayaa u geeriyooday dhaawaca ka soo gaaray afar xabadood oo ku dhacday, iyadoo uu ku geeriyooday Cisbitaalka Ciidamada Midowga Afrika ee agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Ehelada Cismaan Cali Axmed ayaa sheegay in markii lala dhacayay rasaas ay ku dhacday wiil yar oo ilma adeer ay yihiin oo la socday kaasi oo xabada uga dhacday lugta midigta ah isla markaana dhaawiciisa lagu dabiibayo mid ka mid ah Cisbitaalada Magaalada Muqdisho.

Ma jirto cid sheegtay dilka madaxii Xafiiska Hey’adda UNDP Magaalada Muqdisho Cismaan Cali Axmed hasa ahaatee waxaa lala xariirinayaan in uu daba joogo falal isugu jira dil iyo qafaalasho ka dhan ah shaqaalaha Hey’adaha samafalka oo ku sii baahaya bilihii ugu denbeeyay dalka Soomaaliya

Cismaan Cali Axmed ayaa hay’adada Qaramada Midoobay ee UNDP waxa uu u shaqeynayay mudo ku dhow 20 sano isagoo soo qabtay howlo kala duwan,waxaana uu ka soo shaqeeyay meelo kala duwan oo ka mid ah gudaha dalka Soomaaliya.

Falkaan ayaa ku soo aadaya xili ku dhawaad 10 ka mid ah shaqaalaha Hey’daha Samafalka oo isugu jira Ajaanib iyo Soomaali lagu haysto meelo ka mid ah gudaha dalka Soomaaliya oo dad aan la aqoonsan ku afduubteen mana cada sababaha loo afduubtay in ay salka ku heyso arimo siyaasadeed iyo hadii ay tahay dhaqaalo doon iyadoo dadka afduubka geystay aysan weli sheegin waxa ay doonayaan.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com