shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Thabo Mbeki Oo Raali Galin iyo Magdhow Ka bixiyeey Rabshadihii Sheesheye Neceybka ee South Africa‏

(Pretoria, July 05,  2008 Ceegaag Online)

Maalin-nimadii  shalay  waxay aheyd maalin qaran oo loo baroor diiqayo dadkii ku naf waayay rabshadaihii shisheeye neceybka  ee guud ahaan dalka South-Africa ka dhacay, munaasad weyn oo shalay ka dhacday  Magaaladda Pretoria oo ah Caasimada Wadankan South Africa ayuu Madaxweyne  Thabo Mbeki si rasmi ah raali-galin qaran uga bixiyey wixii dhacay.

Isagoo la hadlayay Kumanaan kun oo marti sharaf ah oo ka kooban Ajaaniib, Diplamaasiyiin, saxaafada, xisbiyada siyaasada, saraakiil ciidan iyo Ururadda Bulshadda.  

Madaxweyne Thabo Mbeki ayaa yiri “maya, mar kale dhici meeyso, mana aqbali doono in waxaasi oo kale uu dalkeena ka dhaco, raali galin ayaan ka bixinayaa”.

Dadka ka qeybgalay qaarkood oo ay ka mid ahaayeen dad qaxooti ah oo xarooyinka ku jira, ayaa Shabakadda Wararka ee Ceegaag.com  u sheegay in ay Madaxweynaha ka rajaynayaan in looga magdhawo qasaarihii gaaray.

Guddi ka kooban heer Wasiir ah oo dawladdu ay u saartay xal ka gaarista arrimaha qaxootiga ayaa sheegey in bisha August eey tahay in xarooyinka la xiro, isla markaasina dadka dib a loogu celiyo meelihii laga barokiciyey, Gareldin frazer muluketi oo ka mid gudigaasi wasiirada ayaa sheegtey in xitta dawladu wax ka qaban doonto arrimaha sharciyada, lana fududdeyn doono.

Si kastaba ha ahaatee Arrintan Raali-galinta ah ayaa ku soo beegmaysa xili dowladda South Africa ay cadaadis  kala kulantey besha Caalamka, kadib marki  qaxooti badan oo  african ah lagu waxyeelleyay  guud ahaan dalka S/Africa...

Hassan Yeey

Johannesburg, South Africa

yeey18@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com