Madaxweyne
Yuusuf oo Saaka dib ugu Laabtay Magaalada Muqdisho.
(Muqdisho, July
29,
2008 Ceegaag Online)
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi
Yuusuf Axmed ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Muqdisho
ee Caasimada Soomaaliya kadib markii uu maalmahaan ku sugnaa
magaalada Garoowe ee xarunta maamul Goboleedka Puntland.
Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf oo kasoo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee
Aadan cade International Airport abaaro 12:00 Duhurnimo ayaa
waxaa kusoo dhaweeyey garoonka Ra,iisul wasaaraha Dowladda
Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo
Mas'uuliyiinta Labada Gole ee Dowladda KMG ah.
Madaxweyne C/llaahi Yusuf markii uu kasoo dagtay Garoonka
waxaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia
isaga oo saaran baabuur qafilan oo ay leeyihiin ciidamada
AMISOM amaanka madaxweynaha ayaa aad loo adkeeyay, mana jirin
maanta wax weerar ah oo lala beegsaday xilligi uu
Madaxweyanaha Soomaaliya soo degayey ama xiligi uu soo
marayey wadada Maka Al Mukaramah.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |