Madaxweyne
Yuusuf oo soo gaaray Magaalada Garoowe.
(Garoowe, July 26,
2008 Ceegaag Online)
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf
Axmed ayaa Saaka soo gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta
Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa saaka ka soo duuley Garoonka
Diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport ee
Magaalada Muqdisho ,waxaana siweyn ugu soo dhaweeyey Garoowe
Madaxda Dowladd Goboleedka Puntland oo uu horkacayo
Madaxweyne Mohamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse).
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hada ku sugan Guriga
Madaxtooyada ee Garoowe ,wuxuuna halkaasi kulan kula
leeyahay Madaxweynaha Puntland iyo Isimada Puntland.
Madaxweyne Yuusuf ayaa la rumeysan yahay inuu kala
hadlidoono arimo kala duwan oo ku aadan Xaalada Qalafsan ee
Puntland sida, Nabadgalyada, Sicir Bararka iyo xaalad
Siyaasadeedka maamulka Puntland oo Shacabku ay Kalsoonidii
ay u hayeen ay meesha kasii baxayso.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |