shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxaa ka jira in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ay isku khilaafsan yihiin xil ka qaadistii Maxamed Dheere.

(Muqdisho, July 31,  2008 Ceegaag Online)

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlada Fedeaalka Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaare Nuur Cadde ay isku khilaafsan yihiin xil ka qaadistii dhawaan lagu sameeyay gudoomiyihii gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo waraysi gaar ah Siinayay Wakaalada Wararka ee AP ayaa ku nuux nuuxsaday in uusan ku qanacsaneyn xilka qaadistii Maxamed Dheere ku sameeyeen xubnaha Golaha Wasiirada ee uu Horkacayo Ra'isul wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Madaweyne C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in Dhabaha loo Maray xilka qaadista Maxamed Dheere ayan aheyn Mid wanaagsan isla markaana aan xiligani loo baahneyn in xilka qaadis lagu sameeyo.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya xili Maalin ka hor Golaha wasiirada ku dhawaaqeen in xilkii ka qaadeen Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Dheere isla markaana go,aankaasi ku raacay Ra'isul Wasaare Nuur Cadde.

Sidoo kalena Maxamed dheere oo la hadlayay Idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in Ra'isul wasaare Nuur Cadde uu xaq u leeyahay Talo soo jeedin ku aadan in xilka laga qaado basle amarka ugu dambeeya uu leeyahay Madaxweyne C/llaahiYuusuf.

Dhinaca kale Maxamed Dheere ayaa weli ka howl galaya xafiiska maamulka Gobolka Banaadir, Gudoomiyaha cusub ee gobolka loo magacaabayna Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur ayaan weli la wareegin howsha shaqo, iyada oo xafiiska gudoomiyaha uu weli ka howl galayo Maxamed Dheere.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com