Meydad Hor leh
oo laga helay Magaalada Baledweyne oo maalmahan ay duqeyn ku
wadeen Ciidamada Ethiopia.
(Baledweyne, July
28,
2008 Ceegaag Online)
Waxa
isa soo taraya Meydadka Dadka Rayidka ah ee wali laga helayo
gudaha iyo daafaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka
Hiiraan, kuwaas oo ay geysteen ciidanka Itoobiya ee gudaha
Magaalada iyo Janta Kundisho ku sugan.
Meydadka 2 Qof ee Rayid ah oo hor leh ayaa Maanta laga helay
iyaga oo dul sabeynaya Wabiga Magaalada Baladweyne, kuwaas
oo jirkooda ay ka muuqdaan rasaas xoogan oo la filayo in ay
la dhaceen Ciidamada Itoobiya. Dilka dadkan Rayidka ah
ayaa la filayaa in uu yimid xilli dadkan ka cararayeen
guryahooda, xilli Ciidamada Itoobiya gudaha u soo galayeen
Magaalada Baladweyne xilli habeen ah.
Meydadka Dadkan oo la keenay Cisbitaalka Magaalada, ayaa
dadka deegaanku waxa ay isku howleen sidii ay u Aasi
lahaayeen, Waa 3-dii Qof oo Rayid ah oo muddo 24 saac
gudahood laga helo gudaha iyo daafaha magaalada Baladweyne
kuwaas ay xasuuqeen Ciidamada Itoobiya ee gudahada iyo
duleedka Baladweyen fariisimada ciidan ku leh.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |