shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Prof. Dalxa oo codsaday in la sii daayo kumanaan Soomaali ah oo ku xiran Xabsiyda Adduunka.

(Baydhabo, July 14,  2008 Ceegaag Online)

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in guud ahaan beesha caalamka, qaramada Midoobay, dalalka ugu waaweyn ee dunnida ay ugu baaqayaan inay gacan ka gaystaan sidii dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan xabsiyada dalalka dunida loo sii dayn lahaa.

Prof. Dhalxa waxa uu sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo dhibaataysan waddamada Tanzania, South Afrika, Libya, Yemen, Turkiga, Saudi Arabia iyo waddamo kale kuwaasi oo ka buuxa xabsiyada dalalkaasi iyadoo aysan jirin cid xukuntay oo maxkamad soo saartay.

Hadalka guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa ku soo beegmaya xilli  Soomaali fara badan oo muhaajiriin ay ku jiraan xabsiyada dalal ku yaalla Qaaraddaha Africa, Europe iyo Asia kuwaas oo ay dhibaato ba’ani ku haysato.

Halkan Hoose ka aqriso Warbixinta ku saabsan Boqolaal Soomaali ah oo ku dhibaateysan xabsiyo ku yaala Caalamka.

http://www.ceegaag.com/Qoraalada/2008/July%202008/boqolaal_maxaabiis_soomaali_ah.htm

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com