Muwaadiniinta
Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo lagu adkeeyay Qaadashada
Baasaboorka Ethiopian-ka.
(Jig-Jiga, July
10,
2008 Ceegaag Online)
Wararka naga
soo gaadhaya magaalada JigJjiga ayaa sheegaya in lagu
adkeeyay Muwaadiniinta Deegaanka Soomaalida Ethiopia helitaanka
ama qaadashada Baasaboorka Ethiopian-ka ah isla markaana uu
gaadhey in dadku ay xitaa ka cabsadaan iney dalbadaan iyagoo
ka baqaya in danbi loo yeelo isla markaana ay lugaha
lagalaan dhibaato kadib markii qaadashada Baasaboorka
Ethiopian-ka lagu xidhey inuu soo maro qaybta Nabadgalyada
Deegaanka kuwaas oo imitixaan ka qaada dalbadayaasha.
Wararku waxey intaas ku darayaan in marka qof deegaanka u
dhashey uu damco inuu Baasaboor qaato uu ku xareynayo
codsigiisa magaalada Jij-Jiga illaa xafiiska nabadgalyadu ka
fasaxayo una saxiixayo taas oo u sahleyso inuu
Immigration-ka Magaalada Addis ka qaato qofkaasi.
Su'aalaha laweydiiyo ayaa waxaa kamid ah sida dad dalbadey
ay noosheegeen inta jeer ee aad Jabhada ONLF lacag siisey
iyo inta jeer aad taageertey. Haddii uu qofku dhaho waligey
waxba masiin mana aqaanno waxaa laga yaabaa in loo fasiro
inuu inkirayo taasna uu ciqaab ku muto, sidoo kalena ay adag
tahay in qof uu iska sheegto inuu Jabhadda ONLF taageerey.
Dhibaatooyinkan shacabka deegaanka ka haysta helitaanka
Baasaboorka Ethiopian-ka ayaa waxey sidoo kale aad usii
adkeysey dadka Soomaaliyeed ee aan deegaanka u dhalan iney
qaataan iyadoo lagaba yaabo dadka deegaanka u dhashey iney
rafaadaan balse ay marka danbe qaataan.
Waa markii ugu horeysey oo ay Muwaadiniinta Deegaanka
Soomaalida ay si cad uga walwalaan gaar ahaan Ardayda
waxbarasho doonka ah helitaanka Baasaboorka
Ethiopian-ka.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |