Sarkaal ka
tirsan Hay’adda WHO oo lagu dhaawacay Gobolka Bay.
(Diinsoor, July
27,
2008 Ceegaag Online)
Sarkaalka la dhaawacay ayaa ugu qaabilsanaa Hay’adda QM ee
WHO Degmada Diinsoor talaalka Cudurka Dabeysha, iyadoo
shaley ay kooxo hubeysan ku dhawaaceen inta u dhaxeysa
Magaalooyinka Baydhabo iyo Diinsoor oo ka wada tirsan
Gobolka Bay.
Kooxdan ayaa weerar la beegsaday gaari u watey Sarkaalka
Hay’ada WHO Ismaaciil Macalin Axmed xilli uu ka soo baxey
Degmada Diinsoor ayaa Rasaas ooda kaga qaadeen gaadhigii uu
saarnaa halkaasna uu kasoo gaaray dhaawac culus.
Kadib
dhaawaca cusul ee soo gaaray Ismaaciil Macalin Axmed ayey
kooxdi weerarka la beegsadeen waxa ay ka qaateen gaarigii uu
watey, waxa ayna uga tageen kooxda weerarka geysatey meyd
ahaan.
Dhaawaca salkaalkan ayaa hadda waxa lagu baxnaaninayaa
Isbitaalka Degmada Diinsoor, Ismaaciil Macalin, ayaa ugu
socdey Magaalada Baydhabo sidii uu u gudbin lahaa xogta
Talaalka Cudurka Dabeysha oo dhawaan Degmada Diinsoor iyo
deegaanada ku dhow ku soo gabo gaboobey.
Lama
oga weerarka sarkaalkan lala beegsadey ee ka tirsan Hay’adda
QM ee WHO in uu xiriir la leeyahey weeraradii dhaawanahanba
lala beegsanayey shaqaalaha Hay’adaha Shishiiye ee ka
howlgala Gudaha Soomaaliya iyo in kale.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |