shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shalayna Waad ila Orad Gaabneyd Maantana waad ila Talo Xuntahay!

(Somalia, July 23,  2008 Ceegaag Online)

Laba sano ka hor waxaa maamulka magaalada Muqdisho si lama filaan ah ula wareegey xoogaggii ka adkaadey dagaal oogayaashii Muqdisho, oo hal magac ku midoobey balse isugu jirey dhowr ujeeddo kooxo kala lahaa. Billowgiiba waxaa soo baxay wejiyada runta ah ee kooxahaas, markii garabka millateri ee Maxkamaduhu ay sharciyo iyo amarro aan cidina la ogeyn soo rogeen, markii ay duullaamo badan oo aan la isla socodsiin kiciyeen, markii mid kastaa halkuu xukumay uu amiirkeeda isu magacaabey.

Waxay la noqotey in dalkaba uusan waxba ku lahayn waxna uusan aqoon oon wax laga weydiinayn qof aan ahayn wiilasha surweelka gaabsadey garkana dheereystey, ama aan ka tirsanayn Itixaad, Ictizaam, At-Takfiir, At-Tawxiid, As-Salafi iyo urur futuudyada firqooyinka ah ee kale. In sifahaas laga helo ayaana kaa xigta in xil laguu dhiibo oo waxkastana laguugu aamino – jaajuusba aad ahaatide!. Rag Amiirro lagu sheegi jirey oo garar waaweynaa ayaa jaan & cirib meel ay dhigeen la waayey, markii duullaanku billowdey, xantuse waxay leedahay - iyagaaba duullaanka hagayey, markey shaqadoodii guteenna si sharqan yar ayey u libreen!!.

Mid kalaase ka daran....!

Wasiirkii gaashaandhigga iyo ku-xigeenkiisii waxay ku dhawaaqeen JIHAAD bilaaban doona 7 beri gudahood, iyaguna iyadoon weliba 7-dii beri dhammaan ayey 5 beri gudahood dalka uga baxeen oo Sacuudiga iyo XAJ-ka aadeen. Ka warran hadii wasiirka difaacu fasax qaato ama tamashle aado iyadoo dalkiisu dagaal weyn gelidiisa isu diyaarinayo?.

Guushii iyo gargaarkii eebbe keeney nasiib darro waxay noqotey mid ay ka dhasheen isla weyni iyo awood la isbidey, dagaal oogayaashii la eriyay iyo dawladaha caalamka ayaa malaha isaga qasmey, waxaana loo hanjabay cid kasta, waxaana lagu tookhey .. Yaa nagu aada ..dadku miyeyssan ogeyn wacdarahaan dhigney..! Warhooy guusha layskuma hubee hororka aashiinna!! (Bacadle), ayaa dad badan xusuustooda ku soo dhacaysey.

QALAD SIYAASADEED

Khaladaadka siyaasadeed ee la galay waxaa ka mid ah in dawlado iyo diblomaasiyiin wadey ergeyn nabadeed oo ku dadaalayey in dagaal la baajiyo ay garan waayaan waxa kooxdaan dalka intiisa badan haysata ay doonayso, markii lala hadloba waxay ku celiyaan Itoobiya Baydhaba hallaga saaro iyo weerar lagu qaadey Baydhabo oo xigey.

Maalinteyse ugu darreyd waxay ahayd markii dhammaan xubnihii ugu sarreeyey Dowladda KMG ah sida Madaxweyne C/haahi Yusuuf, RW Geeddi iyo Shariif Xasan ay Khartuum isugu tageen, iyadoo ay u muuqato in lagu soo cadaadiyey inay gorgortan awood qaybsi ah galaan. Maxkamaduhu waxay kaga jawaabeen inaan ragga hoggaanka sare ah uusan qofna ka aadin Khartuum oo ay u diraan wafdi hoose oo uu hoggaaminayo Ibraahim Caddow. Waxaase ka sii darrayd markii Ibraahim Caddow ku adkaystey inuusan kursiga shirka fariisanayn haddii aan IGAD meesha laga kaxayn!!. Rajo in wada hadal wax lagu dhameeyona maalintaas ayaa u dambaysey. Waxaan ku faraxsanahay in Sheekh Shariif uu qaladkaas Khartuum uu markii ugu horeysey habeen dhaweyd qirtey, waana geesinnimo in la ammaano mudan!.

Nasiib darro, inkastoo wax laga bartey, hadana jabkii Maxkamaduhu wuxuu noqdey mid u dhaqsiyo badan si la mid ah sidii ay ku soo baxeen markii horeba, waxayna deeggaannadii ay ka talinayeen uga carareen si la mid ah orodkii ay markii horeba ku aadeen.Waxaase ka dhashey qasaare aan cidina xisaabin oo naf iyo maalba leh.

Halgan kale oo dib u xorow ah ayaa billowdey, dadka Soomaaliyeedna wuxuu u istaagey naf iyo maalna u hurey inuu duullaankaas iyo daba-dhilifyadaba caabiyo, cadawgana iska celiyo, Waxaana Alle galladii beenowdey riyadii cadawga iyo kuwii soo horkacayba. Waxaa cadawga la barey cashar aanu Soomaaliya mar dambe ku soo haweysan doonin isagoo miyir qaba, maantana iyadoon baryo ahayn ayuu qalabkiisa u guranayaa siduu uga guuri lahaa.

KHILAAF & KALA JAB..

Dad badan waxaa laga yaabaa in mas'uuliyadda khilaafka ay saaraan shirkii nabadeed ee Jabuuti, xaqiiqaduse saas ma ahan. Heshiiskii Jabuuti waxaa laga yaabaa inuu soo dadejiyey qilaafkooda, balse labada dhinac mar kasta kala aragti ayey ahaayeen dhinac kasta marka laga eego. Koox ayaa mar kasta rumaysnayd in taladii aan tooda ahayn inaan khayr ku jirin, wixii iyagu aysan keeninna inaan la qaadan.

Shirkii Yemen xaqiiqooyinka dibedda u soo baxay waxaa ka mid ah in kooxi ay ka go'nayd inaan wax is afgarad ahi uusan dhicin, xitaa markii la is mari waayey oo guddi wax kala saara arrintii galeen waxaa ku qanci waayey oo horeba ka qaadacay qoladii Asmara oo markii horeba goobta la timid shuruudda ah inaysan ku qancayn waxaan ka ahayn in wada-xaajoodyada hadda dib loo billaabo oo ay iyagu hogaamiyaan, wixii horena badda lagu daro.

IS MAGACAW IYO XUKUN ISKU QABSI...

Maxkamadaha iyo hoggaankooduba ma wada lahayn eedaha aan kor ku soo tiriyey, sida aanay maantaba u wada lahayn eedaha taagan, taana qofkii caqli leh baa og. Waxaa had iyo goor ku jirey Maxkamadaha shaqsiyaad intaa kaadsiinyo iyo xikmad in lagu socdo farayey, qaar aan xildoon iyo xag-jire midna ahayn, waxaase fashiliyey xag-jire xikmad laawe ah.

Maanta markale waxaa wejiyadoodu soo muuqdeen kuwii jabkaas naakhuudiyaha ka ahaa waxayna mar kale nala doonayaan inaan qasaarinno dhibic kasta oo dhiig ahayd ee dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeedba loo daadiyey. Waxay nala doonayaan inaan dib ugu laabanno wuxuushnimadii iyo waraabe-nimadii, waxayna noo legdayaan mar kale cadawgeenna. Waxay doonayaan inay mirihii halganka fawdo iyo fidno geliyaan, sidey shalay uga hor yimaadeen hoggaamintii madaxdooda ayey maantana u hortaagan yihiin hoggaamiyayaashii halganka iyo in dalku xaaladan ka baxo.

Soo lama oran 'Madaxdiinna ku adeeca wax kasta een Alle idiinkaga caroonayn?!!. Maxaa keeney in la is-magacaabo oo xukunka lagu qabsado madaxdii hore loo doortey?. Dacaaayadda iyo warxumada inta la iska daayo maxay noogu sheegi waayeen, qiyaannada iyo shirqoolka u muuqda? Maxay u sugi la'yihiin bal in heshiisku shaqeeyo iyo in kale iyadoon laga hor imaan, bal inay Itoobiyaanku baxayaan iyo in kale?. Sidii Itoobiyaanka dalka looga saari lahaa in laga wada hadlo, haddii ay bixi waayaanna halganku halkiisa ka socdo ma Alle ayaa inooga caroonaya?, In madaafiicda maatadayada ku socota iyo xasuuqa loo cimri dheereeyo oo sii daadashada dhiigga dadkayaga lagu gor-gortamo miyaa qadiyadu? Mise amarkii amiirka ayaan weli imaan oo la sugayaa! mise shisheeye kale ayaa lagu raalli gelinayaa oo looga amar qaadanayaa in la sii wado dagaallada oo dadkeennu ay geedaha sii hoos joogaan ..maxay tahay ujeedadu?.

Waxaa Qorey

C/qaadir Gutaale

  

webmaster@ceegaag.com