shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shariif Xasan "Rajo aad u weyn ayaan ka leenahay in Ciidamada Itoobiya laga saaro Soomaaliya”.

(Jabuuti, July 29,  2008 Ceegaag Online)

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka tirsan Garabka Isbaheysiga Dib u Xorenynta ee fadhiya Jabuuti ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in Ciidamada Ethiopia dalka uga baxayaan mudadii lagu heshiiyay.

Gudoomiyaha Golaha Dhexe Shariif Xasan oo Xubnaha Asmara jooga xilka ka qaadeen ayaa soo dhaweeyay dadaalada ay wadaan Beesha Caalamka, isagoo dhanka kale wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalada ka socda Qeybo ka mid ah Gobolada Koonfureed ee Dalka.

Shariifka wuxuu kaloo sheegay in Khilaafka isbaheysigooda u dhaxeeya ay tahay in lagu xaliyo xeerka Isbaheysiga u yaal, wuxuuna soo qaatay in Isbaheysiga wali jiritaankiisa dhab yahay.

Wuxuu kaloo ugu baaqay dhinacyada Isbaheysiga in ay bilaabaan sidii ay khilaafka u xalin lahaayeen, isagoo dhanka kale u jeediyay Xubnaha ku sugan Jabuuti in ay bilaabaan hanaan la isku imaan karo.

Garabka Asmara ee uu hormuudka u yahay Sheekh Xasan Dahir ayaa horay waxay uga soo horjeesteen Heshiiska Garabka Labada Shariif la gaareen Xukuumada Soomaaliya, kaasoo ay gebi ahaanba ay ku tilmaameen mid baadil ah, waxaana ku dhagnaashahooda Heshiiska ee Xubnaha Jabuuti uu keenay in Kooxda Asmara xilalka ka qaado xubnahaas.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com