Shirkii
Isbaheysiga Labada garab ee Asmara oo Maanta ka furmay
Magaalada Sana’a ee Dalka Yemen.
(Sana'a, July 06,
2008 Ceegaag Online)
Shirkii lagu
dhexdhexaadinayey madaxda sare ee Isbaheysiga Asmara ee
dhawaanahan la filayey inuu ka furmo magaalada Sanca ee
dalka Yemen ayaa saaka si habsami leh uga furmay Hotel
Istanbul ee magaaladan Sanca
Shirka oo la
doonayo in lagu dhameeyo khilaafka soo kala dhax galay
Isbaheysiga ee ku wajahan sidii loo maamulay heshiiskii
Jabuuti ay ku gaareen Dowlada Federaalka iyo Mucaaradkeeda
iyadoo ay jireen in Garabka Xasan Daahir Aweys ay ka biyo
diideen heshiiskaasi.
Waxaa maanta
la iska dhex doortay gudi ka kooban 9 xubnood kaasi oo wadi
doona howsha shirka una kala dabqaadi doona labada dhinac ee
shirka lagu dhex dhexaadinayo oo ka wada tirsan madaxdii
Maxaakimta Islaamiga ah iyo Xildhibaano laga saaray
Barlamaanka Dowladda Federaalka kadib markii ay ku xadgudben
dastuurka Dalka.
Gudigan oo
hada ku jira shir albaabada ay u xiran yihiin ayaa waxaa
gudoomiye u ah Prof. Ibraahiim Cadoow oo ah nin si weyn
looga dhex yaqaan golaha Isbaheysiga iyo kii Maxkamadahaba
iyadoo la filayo in saacadaha soo socda la guda galo ama la
soo bandhigo Ajandayaashii laga wada hadli lahaa.
Goobta uu
shirka ka socdo ayaa waxaa ku soo qulqulaya wafuud fara
badan oo ay ku jiraan rag aqoon yahano Soomaaliyeed ah
kuwaasi oo iskood isku xilqaamay diyaarna u ah iney labada
dhinac isku soo jiidaan hadii ay dhacdo in qodobada qaar la
isku mari waayo.
Isbaheysiga Asmara Garabka Labada Shariif ee
sexiixday heshiiskkii magaalada Jabuuti Bishii June 9-keeda
ayaa waxaa horboodaya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyadoo
garabka xasan daahir Aweys ee fadhigeedu yahay Magaalada
Asmara ee dalka Eritrea uu wakiil u yahay Sheekh Cumar
Iimaan oo shalay soo gaaray Magaalada Sanca ee Dalka Yemen.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |