shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Sicir barar baahsan oo taabtay Nolosha dad badan oo ku nool Magaalada Laascaanod.

(Laascanod, July 13,  2008 Ceegaag Online)

Magaalada Laascaanod ee Xarunta Gobolka Sool Xaaladeeda guud hadda waa ay degan tahay.Nabad gelyaduna waa fiican tahay, Hay'addihii maamulka waxaa ka shaqeeya Booliiska, Maxkamada, laakiin Hay’addihii kale ee maamul mashaqeeyaan.

Bulshada ku dhaqan Magaalada Laascaanod ayaa waxa ka soo yeedhaysa qayla dhaan Ba’an taasi oo ah inay ka cabanayaan Sicir barar baahsan oo ku dhuftay, dadka ayaa waxay sheegayaan inuu doolarkii cirka isku shareeray ayna taasi sababtay inay kacaan maciishada Daruuriga ah. dadkii danyarta ahaa noloshuna ay aad ugu adag tahay, tusaale foostadii biyaha macaan waxay maraysaa 120.000 Sh. Halka foostada biyaha kharaarna ay marayso 20.000 Sh.

Waxa intaa dheer dad iyaga kala soo bixi jiray nololmaalmeedkoda suuqayada magaalada Laascaanod oo hataan aad uga qaylinaya sicir bararkaas, Sida ay noo xaqiijiyeen dad ka ganacsada suuqyada magaalada Laascaanod ayaa aad uga cabanaya meelaha ay kala soo degaan alaabadooda oo ay ka mid yihiin magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera Isku soo wada duubo xaalada jawiga magaalada ayaa aad u degan

Si kastaba ha ahaate dadwaynaha Reer Laascaanod ayaa baaq ku soo jeedinay in ay u samafalaan ganacsatada Waa weyn ee magaalada islamarkaana ay dejiyaan doollarkan sii socda.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com

Laascaanod.

  

webmaster@ceegaag.com