Soomaalida ku
nool dalka Koonfur Africa oo si weyn ugu dabaaldagay
Munaasabada 1-da Luulyo.
(Johannesburg,
July 01,
2008 Ceegaag Online)
Munaasabad balaaran oo ku aadan 48-guuraddii ka soo
wareegatay xorriyadda goballadda koonfurta, midowga waqooyi
iyo koonfur iyo waliba dhismaha Jamhuuriyadda Somaliya ayaa
waxay ka dhacday magaaladda Johannesburg Ee Dalka South
Africa.
Xafladdan oo ey ka soo qeyb-galeen mas`uuliyiin badan oo
ey ka mid yihiin Makro Makundo oo ka Socdey Xisbiga talada
haya ee ANC sidoo kale Xafladdan waxaa ka soo qeyb galay
Musse lohor oo ka socdey Hay'aada Islaamiga ah Ee Dalkan
S/Africa. Sido kale waxaa ka mid ah marti sharafti ka soo
qeyb gashey xafladdan Ahmed xabiib oo ah Safiirka Safaradda
dalka Maroco Ee dalka S/Africa .iyo Mas'uuliyiin kale,
iyadoo halka lagu dawanayay Riwaayad ka turjumaysa Xaaladda
haatan uu dalku marayo guud ahaan dalka Soomaaliya.
Damaashaad iyo dabaaldag kadib ayaa waxaa halkaasi si
wadajir ah loo saaray calanka jamhuuriyadda Somaliya,
waxaana khudbado kooban oo ku aadan calanka halkaasi ka
jeediyay masuuliyiin isugu jirta Jaliyadda Soomaaliyeed Ee
Soomaali community Board gar ahaan gudoomiyaha Jaliyadda
Soomaali Community Board C/Xakiin Maxamed Hadi oo qudbad u
jediyey Marti sharafti ka soo qeyb-gashey xafladdan
Tariikheyga ah
Si Kastaba ha ahaatee xafladdan ayaa eheyd xafladii ugu
horeysay ee laga xusey guud ahaan magaalada johannesburg.
iyado xafladuna ay ku dhamaatey jawi wanaagsan.
Daawo
Sawiradda
Hassan
Yeey
Johannesburg, South Africa
yeey18@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |