Tahriibayaal
Soomaaliyeed oo gaajo iyo haraad ugu geeriyooday saxaraha u
dhexeeya dalalka Sudan iyo Liibiya
(Khartoum, July
03,
2008 Ceegaag Online)
Tahriibayaal Soomaali ayaa lagu soo warramayaa inay gaajo
iyo harraad ugu geeriyoodeen saxaraha weyn ee u dhexeeya
dalalka Sudan iyo Libya, waxayna tahriibayaashaasi
Soomaaliyeed ay markoodii hore ka kala yimaadeen magaalada
Muqdisho ee dalka Soomaaliya iyo magaalada Nairobi ee dalka
Kenya iyagoo doonayay inay si dhuumaalaysi ah ku soo galaan
dalka Libya kaddiba uga sii talaabaan dalalka Yurub.
Tahriibayaashan Soomaalida ayaa waxay magaalada caasimadda
labaad ee dalka Sudan ka soo raaceen gaari Mulkiilihii iska
lahaa uu kula ballamay inuu gaarsiin doono xadka dalka
Libya, nasiib darrose cillado ku yimid gaariga awgiis ayaa
tahriibayaashaasi waxa uu safarkoodu qaatay muddo bil ah,
waxaana ka dhamaaday dhammaan sahaydii yareed oo ay ugu talo
galeen inay ku gaaraan dalka Libya, waxaana halkaasi gaajo
iyo harraad ugu geeriyooday 15 qofood, sida uu xaqiijiyay
mid ka mid ah tahriibayaashaasi oo ay ciidamada ilaalada
xadka ee dalka Liibiya soo badbaadiyeen oo lagu magacaabo
Cali Max’ed Xuseen (Cali Ganey).
Tahriibayaasha Soomaalida ah ayaa waxay tiradoodu gaaraysay
markii ay ka baxayeen caasimadda labad ee dalka Sudan 30
qofood, waxaana tirada dhimatay oo ah 15 qofood ka sokow ay
ciidamada Ilaalada xadka dalka Liibiya badbaadiyeen 15
qofood oo qaarood ay si aad ah u liiteen kuwaasoo la dhigay
goob caafimaad oo ku taalla xadka dalka Libya, iyadoo
wararku ah sheegayaan in xaaladooda caafimaad ay iminka ka
soo raynayso.
Ma
ahan markii ugu horreysay oo tahriibayaal Soomaaliyeed ay ku
geeriyoodaan dhulka saxaraha ah ee u dhexeeya dalalka Sudan
iyo Libya, waxayna ahayd sanaddii 2001-dii markii tiradii
ugu badneyd oo tahriibayaal Soomaaliyeed oo gaaraya 50
qofood oo isugu jira rag, haween iyo caruurba ay gaajo iyo
haraad ugu geeriyoodeey saxaraha iyadoo hada tirada
Tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku geeriyooday Saxaraha ay
gaareyso ilaa 1,200.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |