shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ururka Al-Qeada oo sheegtay inay ka qeyb qaateen dagaaladii lala galay Ciidamada Mareykanka gudaha Magaalada Muqdisho .

(London, July 10,  2008 Ceegaag Online)

Wargeyska Al-xayaat ee ka soo baxa dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London ayaa xaqiijiyay in ay ka qeyb-galeen dagalladdii ka dhanka ahaa Ciiddamaddii Maraykanka ee sannadihii 90-aadkii ee ka dhacay Magaalada Muqdisho Hogaamiyaal ka tirsan Ururka Al- Qaacida .

Saraakiisha Al-Qaacidda ee ka qeybgalay dagaalkaasi ayaa waxa ay magacyadooda kala yihiin Mustafa Abuu Al-yaziid (Sheekh Saciid), Abuu Xasan, Khaalid Al-xabiibi iyo Abuu Khaliil Al-maddani ka mid ahaayeen Dagaalyahannaddii Al-Qaacida iyadoo saraakiishaasi ay yihiin kuwo ka qeybgalay dagaalkaasi Mareykanka lagula galay sannadihii 90-aadkii Ciiddamaddii UNITAF,UNOSOM .

Sidoo kale hogamiyayaasha ururka Al-qaacida ayaa shaaciyay inay qeybta ugu weyn ay iyadu lahayd ridistii diyaaradihii Helicopter-da ee Mareykanka ee Black Hawk sannadkii 1993-kii lagu soo riday dagaalkasi sidoo kale waxaa arinkaa horay u sheegay Dowladda maraykanka in ay heleen sanado maraykanka horay looga furtay dalka Afghanistan inay ku qabteen dalka somaaliya .

Sidoo kale Wargeyska Al-Xayaat ayaa lagu xusay  inaysan ahayn markii ugu horaysay oo ay Dagaalyahanada Al-qaacida ay ka qeyb galaan dagaalo ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya wuxuuna xusay in Taliyihii geeriyooday ee xubinta ka ahaa Al-qaacida, Abuu Xafsa Al-masri u yimid Somalia si uu u maareeyo Hawlgalladdii ka dhanka ah Ciiddamaddii Maraykanka, wuxuuna tababar siiyey Maleeshiyooyin Soomaali si ay isaga caabiyaan Milliterigii Maraykanka.

                                 

wargayskan oo lagu soo banadhigay Cajalladdaan, ayaa waxaa si gaar ah loogu soo bandhigay burburkii Diyaaradahaasi oo ku soo dhacay Degmadda Wardhiigley iyo maydadkii askartii Maraykanka ee lagu jiidayey Waddooyinka magaalladda Muqdisho.

Waxaana hadalkooda ka mid ahaa ragii ka hadlayay Cajaladda "Waxaan dhowr jeer aadnay Soomaaliya waxaana Ka qeyb qaadanay dhowr jabhadood, sida iska horimaadyo ka dhacay Deegaano ay ka mid yihiin Muqdisho, Baydhabo iyo gobo kale oo ay xitaa ay ka mid Zoonka 5-aad ee Soomaalida Itoobiya” ayuu yiri sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Abuu Xasan, kaas oo ka mid ahaa saraakisha sar sare ee ka qeyb qaadatay dagaalada lagula galay gudaha Soomaaliya Ciidamada Mareykanka.

Sidoo kale, Abuu Xasan, waxa uu sheegay inuu doorkooda ugu weyn uu ahaa sidii dagaalyahannadda Soomaalida loo tababari lahaa, iyo inaan hoggaamino Hawlgalladda ka dhanka ahaa Ciiddamadda Maraykanka ee ku sugnaa gudaha dalka Somalia.

Si kastaba  ha ahaatee Warbixintan ayaa ah mid ku soo aadaysa xili Xubno saraakiil ah oo ka tirsan Ciidamada Ciraaq ay shegeen  in Kooxaha Ururka Al-Qaacida ka soo baxay  dalka Ciraaq ay  soo aadeen wadamo ay ka mid tahay Soomaaliya si ay dagaaladooda uga sii wadaan halkaas.

www.ceegaag.com

 

  

webmaster@ceegaag.com