Waa sidee
Xaalada Cisbitaalada Magaalada Baydhabo oo Xarun u ah
Barlamaanka Somalia?
(Baydhabo, July
24,
2008 Ceegaag Online)
18-sano ka hor Cisbitaalka Magaalada Baydhabo waxaa uu ahaa
mid ka mid ah Cisbitaalada ugu wanaagsan Soomaaliya waxaa uu
lahaa qeybo badan oo Bukaanada lagu kala maareeyo, waqtigaas
oo uu Magaalada Barasaab ka ahaa Mas’uul kasoo jeeda
Goboladda SSC haatanse Cisbitaalka ma laha hal qeyb oo
kaliya oo la isku halayn karo, waayo,waxaa ka muuqata
Cisbitaalka burbur iyo daryeel la'aan, taas oo ay u wacan
tahay wax tar la'aanta Hay'adaha Qaramada Midoobay.
Dhibaatada jirta ayaa waxay tahay, Sariiraha Cisbitaalka oo
liita, Daawo la'aan, Dhaqaatiir la;'aan iyo dhismaha
Cisbitaalka oo aad moodo inuu yahay xero ciidan, maba
rumeysan kartid in dhismahaas uu yahay Cisbitaal ama goob
Caafimaad.
Qiyaastii
Bulshada ku dhaqan Gobolka Bay ayaa la sheegaya inay ku dhaw
yihiin tiro ahaan 2 Million maadama Magaalada iyo
Degmooyinkeeda ay buux dhaafiyeen dad ka barakacay Magaalada
Caasimadda ah ee Muqdisho sidaas darteed waxay dadkaas halis
ugu jiraan inay u dhintaan xanuun kasta oo soo wajaha
maadama aysan heli Karin goob Caafimaad ama daryeel
Caafimaad.
Waa ay
adag tahay in ruux qaba dhaawac halis ah 5 daqiiqo oo kaliya
lagu gaarsiiyo Isbitaalka Magaalada Baydhabo oo Magaalada u
jira in ka yar 2 KM marka aad eegto halka uu Isbitaalka ku
yaala iyo Bartamaha Baydhabo, maxay tahay sababta
dhibaatadaas dhalisay, waxaa taasi u wacan wadada isku xirta
Isbitaalka iyo Magaalada oo Raf ah.
2-sano
ayaa laga jooga Markii Magaalada Baydhabo Baarlamaanka iyo
Xukuumadda Soomaaliya ay fadhiisin ka dhigteen waqtigaas
ilaa iyo xilligan la jooga ma jirto wax muuqda oo Dowladda
Federaalka Soomaaliya ka qabatay Cisbitaalka weyn ee
Magaalada Baydhabo.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |