shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Waamo oo wali la olalasa cadaalad daradii la soo daristay ka dib burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya

(Kismaanyo, July 19,  2008 Ceegaag Online)

Warar hada naga soo gaadhaya magaalada Kismaanyo ayaa sheegaya in ay laba beelood oo wada dega deegaanka ku xeeran kismaayo ay dagaal khasaare aad u badan gaystay fooda isku dareen marlabaad afar iyo labaatankii saac ee u danbeeyay meel aan ka fogayn magaalada Kismaanyo ee Caasimada gobalka Jubada Hoose.

Dagaalkan oo ka dhacay dhuldaaqsiga loo yaqaan Juriyeenta oo ka tirsan Deegaanka Kismaayo ayaa waxaa labadii kooxood ee ku dagaalamay gaysteen khasaare dhan todoba iyo toban dhimasha ah iyo ilaa shan iyo labaatan  dhaawaca oo sadex iyo toban  ka midi ahi aad halis u yihiin.

Kooxihii dagaalamay ayaa wali dhufayskoodii ku jira ilaahadana ma ay jiraan Ciidan iyo waxgarad u soo gurmaday si ay u kala dhex galaan, Dagaalkan ayaa ah mid laysku soo Hub uruursanayay mudo kabadan Sanad.

Magaalada kismaanyo ayaa aad looga dareemayaa Dagaalkan iyada oo dadku u muuqdaan mid ay ka argagaxeen Dagaalkan oo saameeyay dhamaan Deegaanka Kismaayood.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com