shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Warbixin ku saabsan Ururka ardayda Puntland ee Dalka Sudan.

(Khartoum, July 13,  2008 Ceegaag Online)

Tan iyo markii uu dalka Soomaliya galay burburka, waxaa deeqo waxbarasho oo kala duwan ay dhalinyarada soomaaliyeed ay u aadayeen waddamada caalamka, iyadoo Dowlada Sudan ay tahay dowlada keliya ah ee Jaamacadeheeda ay dhigtaan dhowr kun oo araday Soomaliyeed ah, iyadoo dowlada dalkaasina ay ka saacido helitaanka ardaydaasi waxbarashadooda.

Haddaba waxaa ka mid ah aradaydaas arday aad u farabadan, kuwaas oo ka soo jeeda deegaanada puntland, waxaana ay leeyihiin Urur u matala howlahooda, haddaba warbixin kooban oo ku saabsan ururka dhalinyarada ardeyda reer puntland.

1.Asaaska Ururka & Ujeedooyinkiisa.

Ururka adayda Puntland ee Sudan waxa la asaasay 01/01/2002 ka dib markay soo baxday baahida loo qabo isku xir ay yeeshaan ardayda Puntland ee waxkabarata Dalka Sudan, iyo waliba inay iskaashi ka yeeshaan danahooda waxbarasho islamarkaana uu Ururku matalo danaha Ardayda P/L, haday ahaan lahayd Soo dhoweynta ardayda Cusub iyo Dejintooda si ku meel gaar ah, iyo u fududeynta ardaydaas howlahooda waxbarasho iyo sagootinta ardayda qalin-jebisay. Wuxuna si toosa ula shaqeeya dhaman Ururarada ardayda ee ka jira Sudan isagoo matala ardayda Puntland.

Guulaha uu Gaaray:

1.Ururku wuxu u fududeeyay arday fara badan inay helaan deeqo waxbarasho oo wadanka suudan ah.

2.Wuxu qabtaa Xaflad sanadeed taasoo lagu soo dhoweynayo ardayda Cusub iyo

Sagootinta kuwa qalin-jebiyay.

Tirada  Ardayda P/L ee waxkabarata Sudan.

Ardayda Puntland ee waxkabarata Dalka Sudan waxa lagu qiyaasay 400 oo arday wiilal iyo Gabdhaba iyagoo wax ka barta dhamaan jaamacadaha dalka Sudan.

Caqabadaha ka horyimaada Ururka.

Maamul walba oo dunida ka jira wuxuu si habsami leh u howlgalaa markuu helo Awood dhaqaale iyo Miisaaniyad ku filan, Ururka Ardayda P/L waxa ragaadin kara dhaqaale xumo soo food saarta, maadaama aysan jirin Cid si rasmi ah gacan u siisa, ama Garab taagan, haday ahaan lahayd Dowlad G. Puntland ama Jaaliyadaha ku dhaqan debadda, wuxu Ururku ku howl galaa Qarashaad ay ardayda ku Sudan ku sugan isu xilqaanto, kaasoo aan kaafin Karin inuu xaqiijiyo Himilooyinka uu Higsanayo.

Himilooyin Ururka

A).Sare u qaadidda tirada ardayda P/L ee wax ka barata Dalka Sudan, si loo daboolo Baahida waxbarasho ee wadanku u baahan yahay.

B).Inuu ku dadaalo soo helidda Deeqo waxbarasho

C).Inuu xiriir wada shaqeyn iyo wax wada qabsi la yeesho Ururada ardayda P/l ee ka jira Gudaha iyo Debaddaba.

D).Inuu si toos ah ula shaqeeyo Dowlad. G. P/l, gaar ahaan hay’adaha ay khusayso,

sida wasaaradda waxbarashada, wasaradda Dhalinyarada, si loo helo wada shaqeyn iyo wax wada qabsi horseeda horumarinta dalka iyo sare u qaadida wacyiga waxbarasho ee Dadka Puntland.

Khayre Axmed aw cismaan

kheyre77@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com