shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wargeyska Times " Soomaaliya, Pakistan iyo Algeria, Al Qaacida ayaa saldhigyo ka dhisaneysa".

(London, July 03,  2008 Ceegaag Online)

Wargeyska Times ee ka soo baxa Magaalada London ayaa daabacey qoraal uu kaga warbixinayo baaritaano ay sameeyeen sirdoonka wadamada reer galbeedka dhinaca difaaca, kuwaas oo heley warar  sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Qaacida iyo xubno sare oo ururkaa ka mid ah in ay soo gaareen wadamada Soomaaliya, Pakistan iyo Algeria, iyaga oo wadamadan ka sameystey saldhigyo Military, saldhiga ugu weyna ay ka dhistayn xuduudka Pakistan ay la leedahay Afghanistan halkaas oo ay ku suganyihiin qabiilo taageersan Ururka Al Qacida.

Wargeyska oo soo xiganaya qoraal uu daabacey maalintii Isniinta wargeyska New York Times ayaa qoraya in xuduudka Pakistan ay la leedahay dalka Afghanistan ay ku suganyihiin ku dhawaad 2,000 oo dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Qaacida.

Wargeyska ayaa sidoo kale  qorey in Soomaaliya iyo Algeria in xowli uu  ku socdo qorista dagaalyahada Al Qaacida loo tababarayo . Wadanka Algeria waxaa iminka ku sugan 300 ilaa iyo 400 dagaalyahano Al Qaacida ah kuwasoo ku dhuumaaleysanaya dhulka buuraleyda ee  bariga Algeria, dagaalyahanadan ayaa laga cabsi qabaa in ay qaraxyo ka fuliyaan qaar kamid ah wadamada Reer galbeedka.

Wargeyska Times ayaa sidoo kale qorey in ay jiraan Soomaali haysata dhalashada wadanka Ingiriiska in tababaro laga soo siiyo Soomaaliya si mustaqbalka u fuliyaan howlo ay Al Qaacida doonayso in ay ka fuliso wadamada Reer galbeedka.

Saldhiga Al Qaacida ee Pakistan ayaa laga soo bixiyaa amarada iyo howlaha ka socda wadamada Algeria iyo Soomaaliya, wuxuuna wargeyska sidoo kale qorey in xubno sare oo ka tirsan Al Qaacida oo leh taqasuska hubka gumaadka ba'an geysta in ay ka howlgalaan wadamadan, raggan howlaha ay wadaan ayaa walaac weyn ku haya wadamada Reer galbeedka oo iyagu ku habsaamay warar aan sal iyo raadtoona lahayn.

www.ceegaag.com

 


 

  

webmaster@ceegaag.com