Garabka Asmara ee mucaaradka Soomaaliya oo aan wali dareemin dabargooynta dadban ee lagu hayo shacabka Soomaaliyeed
(Asmara, July
22,
2008 Ceegaag Online)
Wararka laga soo sheegayo magaalada Asmara ee dalka Eretariya ayaa sheegaya inay shir degdeg ahaa oo ay yeesheen garbka uu hogaamiyo Sheekh Xasan Daahir Aways inay jagadii godoomiyenimo ay ka xayuubiyeen Siyaasiga Caanka ah ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Wararku waxa ay intaas ku darayaan in ay haatan isugu soo hadheen ururkaa uun reer mudigii qaska iyo qalaaqalka ka waday koonfurta Soomaaliya ilaa in tii ay dhacday dawladii dhexe ee Soomaaliya.
Wararku waxaa kaloo intaa ay kudarayaan in jagadii Gudoomiye nimo loo magacaabay Xasan Daahir Aways.
Talaabadan ayaa waxaa si buuxda ugu gacan sayray Gudoomiyaha Dib u xoraynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. isagoo ku nuux nuux saday inaan haatan loo baahnayn in loo sii seeto dheereeyo gumaysiga Itoobiya.
Iyadoo indhaha caalamka iyo kan dadka u diirnaxaya Umada Soomaaliyeed ay ka dharagsan yihiin Abaaraha, Qaxa, Cudurada iyo Dhibaatooyinka baaxada balaadhan ee dadka Soomaaliyeed hafiyay, ayaa garabka Dib u dibindaabyeenta Soomaaliya ee Saldhigoodu yahay Asmara isku dayayaan inay fashiliyaan heshiiska taariikhiga ah ee lagu gaadhay bishan sagaalkeedii magaalada Jabuuti.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |