Biyaha oo la
cabo Caloosha oo madhan waxay kaa ilaalisaa Xanuuno badan oo
aan laga bogsan.
(Somalia, March
09,
2008 Ceegaag Online)
Waxa ay
noqotay wax caada ah Dalka Japan
Maanta inay Dadku Biya badan cabaan si toos ah markay Hurdada
ka kacaan Aroortii iyada oo ay Calooshoodu madhan tahay,
taas oo ku timid iyada oo ay ogaatay Jamciyad Caafimaadka ku
hawlan oo Dalkaas ahi Guusha ah in Biyaha lagu daawayno karo
Xanuuna badan oo aan laga bogsan oo khatar ah iyo sidoo
kale kuwo meel Dhexaad ahba, daawayntanuna ay tahay mid lagu
guulaysanayo 100% Xanuunada soo socda:
Madax Wareerka, Xanuunka jidhka, Xanuunada Wadnaha,
Infection ka Xaglaha, Darbadaha Xawliga Wadnaha, Suuxista,
Buurida xad dhaafka ah, TP da, Xiiqda, Infection ka
Mareenada, Meningitis ka, Xanuunka Kelyaha iyo Mareenka
Kaadida, Hungaacada, Infection ka Caloosha, Shubanka,
Bawaasiirta, Sonkoriga, Calool Fadhiga, dhamaan Xanuunada
Indhaha, Xanuunada Ilmagaleenka, Kudka, dhibta Dhiiga
Dumarka, Xanuunada Dhegaha iyo Sunka iyo Hungriga,
Sida laysugu daawaynayo
1- Si
deg deg ah markaad kacdo Aroortii intaadan cadayan cab Afar
Koob oo Biya ah qiyaastii 160ml.
2- Dabadeedna
cadayo oo Afkaaga nadiifi laakiin waxna ha cunin waxna ha
cabin ilaa mudo 45 Daqiiqo ah
3- Markay dhamaato 45 ka Daqiiqo sidii caadada kuu
ahayd baad waxna u cuni kartaa una cabi kartaa waxaad doonto
4- ka dib 15 Daqiiqo marka aad Quraacato iyo sidoo
kale markaad Qadayso iyo markaad Cashaysoba waxba ha cunin
hana cabin ilaa iyo mudo 2 Saacadood ah
5- Xaga Dadka Da'da ah ama Bukaanka ah ee aan cabi
karayn Afar Koob oo Biya ah ha cabeen marka hor Biyo yar
dabadeedna talaaba talaabo ha u kordhiyeen ilaa ay
gaadhsiiyaan Afar Koob Maalin kasta
6- Asluubtan daawaynta ah ee aan kor ku cadaynay
waxay ay bogsiinaysaa Bukaanka qaba Xanuunadaa aan soo
sheegnay hadii Allaah tacaalaa u idmo, Dadka se aan qabin
Xanuunadaa Allaah ha ka hayo oo ha siiyo Nolol Caafimaad ah
oo wanaagsan Inshaa Allaah
Tirada Maalmaha la qaadanaayo isdaawayntan
Xanuun walba gaarkiisa
1-
Dhiig Karka Sareeya- 30 Maalmood
2- Xanuunada Caloosha iyo Dacarta- 10 Maalmood
3- Xanuunka Sonkoriga- 30 Maalmood
4- Calool Fadhiga- 10 Maalmood
5- Xanuunka Kudka- 180 Maalmood
6- Xanuunka TP da- 90 Maalmood
7- Bukaanka qaba Infection ka Xaglaha waxa ku waajib ah inay
raacaan isdaawayntaa aan kor ku xusnay Todobaadka kowaad 3
Maalmood oo keli ah, dabadeedna Maalin walba wixii laga
bilaabo Todobaadka labaad
Hadaba Asluubtan isdaawaynta ah ee aan kor ku xusnay malaha
wax Dhibaato ah oo Dhinac kale ah (side effect) iyada oo ay
sidaas tahay baad bilowga waxad la kulmaysaa in aad marar
badan Kaadido wax dhib ahna taas kuma jirto, waxana haboon
inaan ku socono isdaawayntan oo aan ka dhigno waajib caado
inoo ah Nolosheena
Caadayso Cabida Biyaha si is daba joog ah oo
ku noolow Caafimaad iyo Jidh bedqaba iyo Firfircoonaan
waxay
u muuqataa arintanu inay aad u Caqli gal tahay, Dadka
China iyo Japan waxay ku
cabaan Shaah kulul markay Cuntadooda cunayaan, markaa waxa
laga yaabaa inuu Maanta Waqtigu ku haboon yahay in aan
raacno Dariiqada Asluubtooda iyo Caadaadkooda ay u cunaan
Cuntada!!! waxba kuma khasaaraysid bal waxbaad ka kasban
Xaga Dadka jecel in ay cabaan Biya qabow fadlan u fiirsada
hadalkan soo socda:
Waxa uu noqon karaa wax macaan inuu Qofku cabo Koob Biya ah
qabow ka dib ama laboba markuu wax cuno si kastabana arintu
ha ahaatee Biyaha qaboobi waxay fadhiisiyaan oo ay ka
dhigaan Solid is haysta Maadooyinka Saliida ahaa ee aad hada
cuntay, waxayna gaabis ka dhigtaa arinta raqidinta, marka uu
la kulmo Acid ka ay Calooshu soo daynaysona wuu jajabaa oo
googo'aa waxana nuugaaya Xiidmaha si ka dheersa sida ay u
nuugaan Cuntada solid ka ah ee kale, dabadeena waxay
fadhiisanayaan Xiidmaha mudo yar ka dibna waxay isu
bedelayaan Dufan waxayna horseedaysaa taasu oo keeni karta
Cudurka Kudka (Cancer) Allaah haynaga hayee, markaa waxaa
haboon inaad cabto Shurbad kulul ama Biyo Diiran markaa wax
cunto ka dib
Wabillaahi atowfiiq
Waxaa soo guuriyay oo diyaariyay:
Essa Mohamoud
almutawaadic@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |