Maxaad ka
taqaanaa Sharaabka Coca Cola iyo Pepsi Cola!!!!
(Somalia, March
09,
2008 Ceegaag Online)
Coca Cola
oo soo saarta Sharaabka Coca Cola,
Sprite, Fanta iwm iyo Pepsi Cola oo soo saarta Sharaabka
Pepsi Cola, 7up, Mandrine iwm ayaan dhamaanteen waxaan si
fiican u naqaanaa Sharaabkan aan kor ku xusay iyada oo aanu
jirin Guryeheena mid ka madhan oo aan lagu cabin Sharaabkan
aadka looga jecel yahay Aduunka oo dhan bal wuxuu noqday
lagama maarmaan wuxuuna galay halkii Biyaha oo maadaama
isaguba Biyo yahay weliba dhandhan aad u fiican leh oo uu dheer
yahay Biyaha ayaa waxay noqotay inuu galo halkii Biyaha, ma
suuroobayso inuu qofku u soo fadhiisto Cunto hadaanu meesha
oolin oo aanu ku dejinayn Cuntada Sharaabkaasi!!
Laakiin Muslimiintu iskama waydiiyaan Su'aalo haba yaraatee
muxuu ka samaysan yahay Sharaabkani iyo Shirkadahan soo
saara toona, Aduunka intiisa kale gaar ahaan Reer Galbeedku
aad bay isu waydiiyaan oo waxaan xusuusnahay in dhowaan ay
Dacwadi ka socatay Dalka Germany
u dhexaysay Dowladaas iyo Shirkada
Coca Cola oo ay Dowlada
Germany ka doonaysay Shirkadaas inay cadayso waxa uu
ka samaysan yahay Sharaabkeedu
Iyada oo aanay jirin Aduunka cid taqaana waxa uu ka samaysan
yahay Coca Cola oo aan ahayn
Madaxa Shirkadaas iyo Ku-xigeen kiisa oo keli ah, hadaba
Shirkadan oo laga leeyahay America ahna Shirkadaha Aduunka
ugu Dhaqaalaha badan oo ay ku tiirsan yihiin Adminstration
ka xukuma America hantilayaasheeduna yihiin Yuhuud ayaan
cidna is hortaagi karin Aduunka, siday doonaan ba ha u
diidanaadeen ee, laakiin Wadamada Islaamka iyada cidiba isma
waydiiso iyada oo ay haboonayd maadama aynu nahay Dad
Muslimiin ah in aan eegno bal waxan aan cabaynaa horta ma
Xalaal baa mise waa Xaaraam ugu horayn bal haba dambayso
arinta Shirkadan iyo Siyaasadeheedu ee
Hadaba Walaalayaal waxaan jeclaystay Maanta bal inaan
Qoraalkayga aan ku eegno Sharaabkan iyo Shirkadahan sameeya
Siyaasadahooda intii Allaah tacaalaa inooga yasiro bal inay
ina ku hambaabiraan arintan Dadka Muslimiinta ahi, aniga
shakhsi ahaan Waqti aad u dheer ka hor ayaan joojiyay
cabista Sharaabkan walxamdulilaah markaygii horena maan
badsan jirin oo uma xiisayn jirin siday Dadku u xiisayaan
Coca Cola waa Shirkad laga
leeyahay America waxana la aasaasay Sanadkii 1893M waxaana
Saldhigeedu yahay State ka Atlanta
waxayna khaas ku tahay soo saarista Sharaabka Gaasta ah ee
ka madhan Isbiirtada (Alchol), waxayna ka hawl gashaa ilaa
iyo 200 oo Wadan oo Aduunka ah
Asalka Shirkadanu wuxuu ka bilaabmay hal Nin oo Barwaaqo si
lama filaan ah ugu turunturooday, waxana weeye Nin baa wuxu
ka iibsaday Nin kale oo lahaa Pharmacy Duug ahaa oo uu Dadka
ku daawayn jiray, Pharmacy gii iyo wixii yiilayba, Alaabtii
uu halkaa ku iibsaday waxaa ka mid Mooye uu ninkaasu ku
samayn jiray Daawooyinka Waqtigaana waxa ku jirtay Daawo uu
ku diyaar garayay, Ninkii sidii buu Meeshii oo dhan kula
wareegay wuxuuna ogaaday in Daawadii ku jirtay Mooyaha looga
faa'iidaysan karo si kale oo aanu ogayn Ninkii samayay
Daawadaasi
Waana in laga samayn karo Sharaabka Gaasta ah ee Maanta loo
yaqaano Coca Cola, taas
waxay u soo jiiday Ninkaas iyo Qowskiisii inay mudo yar ka
mid noqdaan dadka Aduunka ugu taajirsan, waxaana Waqti ka
dib ka dhinac samaysmay Shirkada kale oo iyaguna soo saara
Sharaabka Gaasta ah sida Pepsi Cola iwm laakiin dhamaan
waxay ka soo qaataan Maadada Aasaasiga ah ee laga samayo
Sharaabkaa Shirkada Coca Cola
iyaga oo aan ogayn waxa uu ka samaysan yahay
Coca Cola, Shirkadan oo ay
badankeeda iska leeyihiin Caa'iladii Ninkii aasaasay
Shirkada oo ay kala dhaxlaan ayaa waxaa Qaanuunka u dejisan
Shirkadu yahay in Madaxa Shirkada iyo Ku-xigeenkiisuba
yihiin had iyo goor Niman ka soo jeeda Caa'iladaas Aduunka
oo dhana labadaas Qof oo keli ah baa og waxay ay ka samaysan
tahay Coca Cola
Hadaba waxay tahay Coca Cola Astaamaha
ugu waawayn America ee ay ku faanto Idaarada (Adminstration)
America waxayna ka mid tahay kuwa ugu waawayn ee taageerada
siiya Siyaasada George Buush ee Gumaysiga, Cadaawada iyo
Tirtirida Muslimiinta ku salaysan
Waxayna ku caanbaxday Shirkadatanu taageeradeeda aan kala
go'a lahayn ee ay siiso Israel
iyada oo ay taasu si xoog leh u cadaatay Sanadkii 1997M kii
iyada oo ay ku kacday Xukuumada
Israel inay Abaalmarin gudoonsiiso Shirkada
Coca Cola taas oo ay
gudoonsiisay Golaha Tijaarada ee
Israel iyadoo ka abaalmarinaysay Shirkadaas
taageeradeedii aan kala go'a lahayn ee ay u fidinaysay
Israel mudo ka badan 30
Sanadood
Sanadkii 2001M waxay ahayd Xarunta Shirkada
Coca Cola tii ugu waynayd ee
ilaalinaysay iyo Martiqaadihii aasaasiga ah ee Shirkii Qolka
Sanaacada iyo Tijaarada ee America iyo
Israel, waxay kale oo ku
kacday Shirkadanu inay samaysay Barnaamij Tababar ah oo ay u
samaysay Shaaqaalaha Shirkada oo ay Cinwaan uga dhigtay "Dagaalka
u dhexeeya Carabta iyo Israel"
dhamaan wuxuu ka koobaanaa Barnaamijkaasuna waxaa samaysay Shirkada
lafteeda waxaana maal gelinaysay Wakaalada Yuhuuda iyo
Xukuumada Israel
Sanadkii 2002 Bishii Febaruary waxay iclaamisay Shirkada
Coca Cola iyada oo Xoolaha
uga soo xerooda Shirkada Dowlada
Israel ay aad u wayn yihiin ayay waxay ku kacday
Shirkadu inay ka qayb qaadato dhisida Deegaanka cusub
Kiriyat Gate oo laga samaynaayo Dhulka la qabsaday ee la
boob ee Falastiin
Waxay sheegtay Xukuumada Israel
in lix meelood meel ahaan qiimaha Dabaaldegyada Sanadkii ee
Dowlada Israel ay
ilaalinayso Shirkada Coca Cola,
waxay kale oo u doortay in tahay Shirkadanu Mu'ayidiinta ugu
waawayn ee Israel laga soo
bilaabo Sanadkii 1966M
Waxay mar kale maal gelisay Coca
Cola Barnaamij lagu tababaraayo Shaqaalaheeda iyo
Muhaajiriinta ku socota Dowlada Israel
wuxuuna ahaa Mowduuca tababarku "Dagaalka u dhexeeya Carabta
iyo Israel"
Iyadoo la eegayo taageerada isdaba jooga ah ee aan kala go'a
lahay ee Coca Cola u
fidinayso Dowlada Israel
ayay waxay ka heshay Israel
inay ka yarayso ama hoos u dhigto Cashuurta ay ka qaado
Shirkadatan, sidaas darteedna waxay goostay
Coca Cola in ay ka dhisto
Dhulka Carabta ee la haysto Warshad cusub oo shaqaalaynaya
700 oo Israelians ah
Markii la qabsaday Ciraaq waxa uu yidhi Ninka Madaxda u ah
Shirkadaasu " qabsashada ay qabsatay America Ciraaq ama ay
Ciraaq ku dhacday Gacanta America waxay u furaysaa Albaabada
Caalamka Islaamka inay soo dhowayaan Sharaabkan guulaystay
ee American iyo Dhaqankooda iyo Asluubtoodaba
Web ka ay Shirkadanu ku leedahay Internet ka ayaa la
waydiiyay Su'aal ah inay Shirkadanu tahay Yuhuudiyad iyo in
kale, waxayna taas kaga jawaabtay Shirkadu: in Sharaabkeedu
u banaan yahay dhamaan Diinaha oo dhan mana ay beenin inay
tahay Shirkad Yuhuudiyad ah, markii la waydiiyay taageerada
ay u fidiso Israel na ma ay
beenin Shirkadu laakiin waxay tidhi: "Coca
Cola waa Shirkad Caalami ah hase ahaate shaqadeed
Wadan walba waa Daakhili"
Sanadkii 10/9/2001 kii waxay soo daabacday oo fidisay mid ka
mid ah Wargaysyada Carabta Iclaan ay leedahay Shirkada
Coca Cola kaas oo loo
qaybiyay Malaayiin ah Shabakada Internet ka, kaas oo ku
boorinaayay Iibsadayaasha inay cabaan
Coca Cola oo taageeraan
Israel, wuxuuna odhanaayay
Iclaanku: "taageerada aad taageerayso waxay soo saarto
America macnaheedu wuxuu yahay waxaad taageeraysaa
Israel" wuxuuna ka bixiyay
Wargaysku tacliiq arintan wuxuuna yidhi: "Iclaankanu uma
baahna Tacliiq iyo in wax lagu daro toona" mana ay beenin
Shirkadu Iclaankan!!
Sidaan soo sheegnay waxa ka dhinac samaysmay
Coca Cola Shirkada kale oo
aan ka xusnay Pepsi Cola Shirkadan oo aan odhan karo waa
mataano Coca Cola Siyaasada
hooduna waa isku mid, bal hadaba Walaalayaal ila eega
Xaqiiqadan qadhaadh ee ka maqan ama aanay ogayn 95%
Muslimiintu, waana in Coca Cola
iyo Pepsi Cola inagoo soo sheegnay in aan la garanayn waxay
ka samaysan yihiin ayaa hadana baadhitaano badan oo lagu
samayay waxa lagu ogaaday inay ka mid tahay Maadooyinka laga
sameeyo Maadad ka mid ah Caloosha Doofaarka
Maaha arintanu hadal aan iska idhi oo aan uga jeedo in
Shirkada uun aan ku wax yeelayo ee waa arin Daliil leh oo
lagu ogaaday Baadhitaano lagu samayay Sharaabka, waxaadna ka
heli kartaa Macluumaadkan Book la yidhaahdo: (Picture is not
shown) kaas oo la daabacay Sanadkii 1987 waxadna aqridaa
Page ka 145 halkaas ayaad ka helaysaa Macluumaadka ku
saabsan Coca Cola iyo Pepsi
Cola waxaadna ka heli kartaa Book gaa Maktabadah Caamka
(Public Libraries) ah ee Wadamada aad joogtaan
Waxaa lagu odhan karaa Sharaabkan waxa lagu samayaa Wadamada
Islaamka taasuna maaha Xaqiiqo ee waxaa loo keena Warshadaha
ku yaala wadamada Islaamka isaga oo Powder ah markaas ayay
dib ugu samayaan Warshadahooda, mana jirto cid og waxa uu ka
samaysan yahay oo aan ahayn sidaan soo sheegnay labadaa Nin
ee America jooga Allaah ha burburiyee
Waxaa kaloo ka qarsoon Muslimiin fara badan macnaha Kelmedan
Pepsi Cola oo ahaan lahayd hadii ay fahmi lahaayeen inaynaan
hadalkan dheer iyo cadaymahanba u baahaneen, waana kelmeda
Pepsi waa hadal la soo
gaabiya oo sidan ah (pay every Penny to save an
Israel) u bixi Penny kasta
in aad ku badbaadiso Israel,
gundhiga hadalkanuna waxa weeye u bixi Penny kasta inaad ku
disho Muslim ama aad Dhulkiisa ku xoogto, Markaa Muslimow
tasho adba Caqli baad leedahay ee miyaanay ahayn inaad
Dadkaa badbaadiso oo aanad adigu bixin lacagta Xabada lagu
dilaayo Dadkaaga
Tan kale inta aynu ku jiro Dagaal aan isu dheeli tirayn oo
ah in halka aad hal Qof kaga disho Cadawgaaga uu kaaga
dilaayo Kumanaan in le'egna ku barakicinaayo burbur laxaad
lehna ku gaadhsiinaayo oo aanad adigu gaadhsiin karayn haba
yaraatee, ayaan u arkaa inay ka xoog badan tahay oo ka
haboon tahay inaad Cadawgaaga arimahan oo kale kula
dagaalanto oo ah inaad gowso oo joojiso waxa uu soo saaro
iyo ku dayashada Dhaqaankooda aadna dhiiri geliso oo iibsato
waxa ay soo saaraan Wadamada Islaamka ahi haba iska taya
liiteen ee, Diintaadana ilaashato oo ku dhaqanto Dhaqanka
suuban ee Islaamka
Waayo Dagaalka lagugu hayo ujeedadiisu wax kale maaha ee
waxa la rabaa in lagu ogolaysiiyo inaad gadato Bucshiradooda
Dhaqankooda iyo Diintoodna qaadato siduu Allaah tacaalaa
inoogaga waramay Quraanka kariimka ah ee yidhi:
{Aayatan
kariimka ah wuxuu Allaah tacaalaa uga waramayaa Rasuulkiisa
sala Allaahu calayhi wasalam in aanay marnaba ka raali
noqonayn isaga iyo Mu'miniinta toona Yuhuuda iyo Kiristaanku
ilaa uu raaco Millada ay ku sugan yihiin waayo waxay ku
baaqayaan oo dadka ugu yeedhayaan oo rabaan in dadka oo
dhami kala mid noqdo Diinta ay ku sugan yihiin ee ay ku
andacoonayaan inay tahay Hanuunka ee waxaad ku tidhaahdaa
Hanuunku waa kan Allaah ee uu igu soo diray uuna dhamaan ku
soo diray Rasuuladiisii waana Islaamka},
markaa Walaalayaal waxaa inala gudboon in Islaaxa ama Hagaajinta
aan ka bilowno Nafteena dabadeedna u gudbino Bulshada inta
aan ka gaadhi karo
Dhinac kale Baadhitaano badan oo la sameeyay waxaa loo
aanaynayaa inuu Sharaabkanu ka masuul yahay Xanuuna fara
badan oo hada Caalamka ku batay oo ku fidaaya sida Sonkoriga,
Kelya xanuun, Lafaha oo jilca iwm
Ugu dambayntii waxay Culimada qaar ku fasireen waxa Allaah
tacaalaa inooga xaaraamayay Hilibka Doofaarka waa inuu ka
suuliyo Qiirada iyo Dareenka Qalbiga Qofka Allaah baana og
taas
Markaa Walaalayaal inooma hadhin wax kale oo aan iska
nidhaahno arinta Sharaabkan oo aan ahayn inaan gowno oo ka
joojino cabistiisa Dadkeena iyo Guryeheen oo aan badbaadsano
Diinteena iyo Dadkeena
Wabillaahi towfiiq
Waxaa soo guuriyay
oo diyaariyay:
Essa Mohamoud
almutawaadic@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |