BurBur ku yimid
Isbaheysigii Asmara!
(Asmara, May 23,
2008 Ceegaag Online)
Asmara waxay xarun u noqotay Isbahaysiga lamagac baxay Isbahaysiga
dib u xoraynta Somaliyeed,
Isbahaysigaan oo ay
ku bahoobeen xubno ka mid ahaan jiray DFKMG oo uu horkacayo
Shariif Xassan Sh. Adan
[Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Soomaaliya],
Shiikh Shariif Sh. Axmed
oo ahaa Gudoomiyaha golaha fulinta Midowga Maxaakimta
Islaamiga, Qurba jooga Soomaaliyeed, Aqoonyahano,
Culumo'udiin, siyaasiyiin magac ku leh bulshada Soomaaliyeed
iyo dhamaan qeebaha kala duwan bulshada, oo dhamaantood
kasoo horjeestay siyaasada guracan ee DFKMG, iyo joogitaanka
ciidamada Ethiopia dalka Somalia, Isbahaysiga
dib u xoraynta Soomaaliyeed,
ayaa aas-aaskiisii shacbiga Soomaliyeed u riyaaqeen maadaama
uu kulmiyey Soomaali badan oo kala aaminsan afkaaro kala
duwan, mid diimeed, iyo mid dimuquraadiyad, kuwaas oo ay
suuro gal tahay in bulshada caalamka laga dhaadhiciyo
in Somalia ay Ethiopia xasuuq ka geesatay laguna qasbo Ethiopia
inay ka baxdo dalka Somalia.
Isbahaysiga dib u xoraynta Somaliyeed
ayeey in badan oo kamid ah shacbiga Soomaliyeed ka
dhursugayeen maadaama uu kulmiyey afkaaro badan oo
firfircoon, kuwaas oo keeni karaya natiijo macquul ah,
waxaynu sugaynay waxay ahayd in dalka lagu xoreeyo hab
siyaasadeed oo saldhig u ah wada hadal, ama in taas
badalkeeda la sameyo oo dagaalka ka socda Somliya uu ka qayb
qaato Isbahaysiga dib u
xoraynta Somaliyeed maadaama uu hadafkiisu yahay
in cadawga laga xoreeyo Somaliya taasna aysan suuroobayn in
lala yimaado siyaasad qurxoon iyo in dagaal aan la fursanayn
laga Oogo meel walba oo kamid ah Somaliya oo uu cadawga
Saldhig ku leeyahay, balse taas ma aysan dhicin oo
Isbahaysigii
aynku ku raja wayneyn wuxuu ka bixi waayay Is qabqabsi iyo
dacaayado raqiis ah.
Khilaafka xoogiisu wuxuu soo if baxay dadaalo loogu jiray
sidii la isku soo horfariisin lahaa garabyada isku haya
siyaasada Somaliya waa
Isbahaysiga dib u xoraynta Somaliyeed iyo DFKMG
ee uu madaxa ka yahay
Madaxwayne C/llaahi Yuusuf,
wada hadaladan ayaa waxaa u kala dab qaadayay Wakiilka
xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay,
Axmedou Ould Abdallah,
waxaana Djibouti iskugu yimid labada garab ee isku haya
siyaasada Somaliya halkaas oo wareegii koobaad ka dhacay,
wareega xigana la filayo inuu dhaci doono horaanta bisha
June ee nagu soo aadan hadii Alle idmo.
Isbahaysiga
fadhigiisu yahay Asmara ayaa wada hadalada Djbouti ee
lala galayo DFKMG ku kala qaybsamay, qaar ayaa waxay ku
adkeesanayaan oraahda Somaliyeed ee oranaysa
"Aan wada hadalno waa
aan heshiino"
taas oo ay micnaheedu tahay in wada hadal lala furo DFKMG ay
dhexdhexaad ka tahay Qaramada midoobay wixii la isku
khilaafsanyahayna lagu soo bandhigo kulankaas, halka qaar
kalana ay taaganyihiin in aan wax wada hadal ah lala furin
DFKMG.
Khilaafkii Isbahaysiga u dhaxeeyay ayaa sii xoogsaday,
madaxdii ayaa meel walba la taagan waan is khilaafnay,
kooxda Djibouti nama matalaan, waxay khiyaameen Axdigii u
yiilay isbahaysiga, waxay xagal daacin ku sameeyeen hadafkii
isbahaysiga, waxba kalama socono shirka Djabouti, anaga nama
quseeyo, eedeemo iyo dhaleeceen ayeey isbahaysigii saxaafada
isku mariyeen, marka aad milicsatid taageerada shacabka
Somaliyed ay siiyeen isbahaysiga waxaa sabab u ahayd
taageerada loo qabay Shiikh Shariif Shiikh Axmed [Allaha
dhowree], kaas oo shacbiga Soomaaliyeed kasbaday waqtigii
laga xoraynayay Muqdisha Qab-qablayaashii 17-sano shacbiga
Soomaaliyed dilka, dhaca, kufsiga, barakicnta, ku hayay har
iyo habeen, kadibna u xuubsiibtay inay iibsadan
Culumo-uddinka Soomaaliyeed, una gacan galiyaan cadawga
Islaamka iyo Shacbiga Soomaaliyeed.
Waxay ahayd 13-May-2008, markii Xoghayaha difaaca ee
Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya, Yuusuf
Maxamed Siyaad Indha-cadde,
oo BBC-da la soo xiriiray isagoo sheegay inuu joogo
Soomaaliya, ayaa waxaa uu sheegay in ay cabasho ka qabaan,
shirka Djibouti. Waxa uu sheegay in shirkaasi aan lala socod
siin, isla mar ahaantaana, uu u arko mid aan dan u ahayn
shacabka Soomaaliyeed, wax wada hadal ahna uusan isbahaysiga
la galayn DFKMG inta ciidamada Ethiopia ay joogan gudaha
Somalia, aqristow Indha-cadde waxaa uu ku doodayaa inuu
xalka somaliya uusan Shiikh Shariif Shiikh Axmed usan u
socon, ee asaga uu yahay ninka Soomaaliya xalkeeda raadinayo
oo halganka ugu jiro. Walina waxaan xasuusanaa gabood
falyadii uu ka geesan jiray deegaanada uu ka arimin jiray ka
hor inta uusan kusoo biirin Midowgii Maxaakimta Islaamiga.
22 May, 2008 ayaa wareysi uu siiyay wargeyska laga leeyahay
dalka Ingiriiska ee la yiraahdo
The Guradian Shiikh
Xassan Dahir Aways
oo ku sugan waddanka Eritrea waxa uu ka digay in wada
hadalka ay wado Qaramada Midoobay ee u dhaxeeya dowladda iyo
kooxha mucaaradka inay burburi doonaan, haddii aanay
Ethiopia ciidamadeeda gabi ahaan kala bixin Somaliya.
Taasi waxaa sii dheer Warsaxaafadeed ay soo galiyeen webka
Somaliweyn.com Isbahaysiga
Dib u xoraynta Somaliyeed, ayeey kaga faaloodeen arimo dhowr
ah oo ku saabsan heshiiska ay la furayn qayb ka mid ah Isbahaysiga
dib u xoraynta Somaliyeed DFKMG, kuwaas oo ay ku tilmaameen
kuwo qiyaamay Isbahaysiga, garab marayna hadafkii
Isbahaysiga, rabana inay ku biiraan DFKMG,
warsaxaafadeedkaan ayaan ka turjumaya siyaasada gurracan ee
aan dhamaadka lahayn oo ay qayb kamid ah Isbahaysiga ku
doonayaan in lagu waaro dhibaatada ragaadisay shacbiga
Somaliyeed 18-sano, taas oo ah yaan la hishiin oo yaan la
isku imaan inta aan jago ii qalanto ka helayo, kuwaas oo aan
daacad ka ahayn in dalka ay ka saaraan Ethiopia balse
siyaasada DFKMG kaga soo horjeestay hab qabiil ama mabda'
xalna u hayn somali wayn.
Waxay ahayd 4/1/2007 markii
Xuseen
Caydiid
sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay
leeyihiin xuduud 2000 oo Km ah, rabaana in la baab'iyo
xuduudaas aan ethiopia la wadaago asaga oo ku micneeyay in
Ethiopia iyo Somalia ay walaalo yihin, oo aysan jirin wax
inoo dhaxeeya
Xuduudahooda la isku furi doono isla
markaana aan yeelan doonaan hal Baasaboor, hal Ciidan iyo
hal dhaqaale, waxaana arrintaani si weyn uga carooday
shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo qaarkood ku muujiyey
caradoodii banaanbaxyo, hase yeeshee Xuseen Caydiid mar
dambe ayuu beeniyey hadalkaasi, isagoo sheegay in uu ula
jeeday in Afrika Midowdo.
Xussen Caydid
wuxuu kamid ahaa dadkii Ciidamada Ethiopia wadanka usoo
hogaamiyay, maantana waxaa uu kamid yahay Isbahaysiga la
magac baxay Isbahaysiga dib u xoraynta Somaliyeed, aqristow xiligii
Xussen Caydiid lahaa
Ethiopia waa walaalaheen
waxaa uu ahaa
Ra'iisul wasaare ku xigeen
isla markaana ahaa Wasiirka arimaha gudaha ee DFKMG, xilkaas
waa laga xayuubiyay waxaana loo magacaabay Wasiirka howlaha
guud iyo guryeynta, saluug uu ka muujiyay kadib ayuu Asmara
iska dhiibay kuna biiray Isbahaysigaas, waxaan xilka
Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta laga qaaday
12, May.07
Xussen Caydiid maanta waa xubin firfircoon oo ka mid ah
Isbahaysiga Asmara, wuxuu doonayaa in dalka Ethiopia ka
xoreeyo, Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo aan taariikhdiisa
wada xasuusano maanta wuxuu raba inuu kala dhantaalo
Halganka Ummaddeenna libintiisu caddahay, waqti dhowna
natiijadeeda ku naalloondoono, rabana in DFKMG ku biiro oo
kamid noqdo u adeegayaasha Ethiopia, waa sida
warsaxaafadeedka Isbahaysiga dib u xoraynta Somaaliyeed lagu
xusaye.
Mudadii uu
dhisnaa Isbahaysiga dib u xoraynta Somaaliyeed illaa iyo waqtigaan
la joogo wali waxaan ka ahayn dagaalo ayaan ka wadnaa gudaha
dalka oo isa soo taro lama hayo, dadaalo muuqdo uu uusan
Shiikh Shariif uusan wadin oo kalena ma jiraan, hooshoodii
oo idil waxay soo dhaafi waysay Hotel-ka ay Asmara ka
daganyihiin, gunaanadkii meesha ay ku biyo shubatayna waan
aragnaa oo ah in Shiikh Shariif Shiikh Axmed la dhaleeceeyo
oo lagu tilmaamo nin hadafkiisii ka leexday.
Gabagabadii
waxaan leeyahay
Reer Asmara
Soomaaliya waxay u baahantahay hogaamiye ficil la yimaado,
qof walba oo Soomaali ahna maanta hadii maslaxo loogu tago
sida ugu qurux badan ayuu u sharaxayaa, balse waxaan jirin
ama yar inta ficilka la timaado, Isbahaysiga waxaa ka mid ah
dad aqoon, karti, caqli, iyo waayo Aragnimo leh, balse inta
ka faa'ideesato ayaa yar, Isbahaysiguna malaha qolo gaar ah,
ama shaqsiyaad gaar ah, balse waa mid ummada oo idil ka
dhaxeeyo, hadii xal loo arko in wada hadal lala furo DFKMG
maaha in buun la iska daba tumo oo la isku ceebeeyo.
Shiikh Hassan
Daahir Aways, waxan leeyahay Shiikh xalka sida aad u aragto
hadii la raaci waayo maahan in
fashil/burbur
aad u
rajeeso Ummada,
Asmara in la iska fadhiyo dhalinyaro masaakin ahna lagu
yiraahdo dalka ayaan ka xoreenaynaa Ethiopia ee halganka ha
joojina, idinka aad Hotelo iska dagtaan, wada hadal iyo
dagaalna iidan xal ku raadin oo waxa aad ku gorgortamaysaan
ay tahay shabaabka dagaalka ka wado gudaha Somaliya
dhiigooda xal noqon maayo, ee la yimaado siyaasad furfuran
oo aad ummada wax kula qaybsataan,
Shiikh Shariif Shiikh Axmed-na
waxaan
leeyahay
Allaha kula garab galo
dadaalka aad wadid,
meel walba oo aad maslaxada Ummada kula gashana waan kugu
taageersanahay ee waligaa horay usoco, Allaha guuleeyo
Somali. Aamin Aaamin Aaamin.
Ahmed Farah
ahmed0@live.com
webmaster@ceegaag.com |