DKMG ah ee Soomaaliya iyo
Maamulka Puntland oo heshiis wada saxiixday (Sawiro).
(Gaalkacayo,
August 23, 2009 Ceegaag Online)
Waxaa
maanta Hotel Taar city ee Magaaladda Gaalkacyo Heshiis rasmi
ah kuwada saxiixday DFKMG ah ee somalia iyo Maamul
Goboleedka Puntland iyadoo heshiiska maanta la saxiixay
maalmihi ugu dambeeyay albaabadu u xirnaayen markii loo
saaray Guddi saddex qodob soo gorfeeya waxaana Goobta
heshiiska lagu kala saxiixanayay ka muuqanayay Masuuliyiinta
Labadda dhinac oo ay ugu horeeyan Madaxweyne
Faroole,Ra'iisulwasaare Sharmaarke iyo Madaxweyne ku
xigeenka C/samad cali shire.
Hadaba Shabakadda Warbaahineed ee Ceegaag
Online ayaa xog ka soo ururisay waxa labadda dhinac ku
heshiiyen maadama maanta saxaafadda loo diiday in la
gudoonsiiyo Waraaqaha heshiiska lagu gaaray Marka hore aan
eegno waxbarashadda:-
Waxbarashada waxaa laysku raacay in ay
dowladda Puntland yeelato 25%, Deeqahaha Waxbarasho ee la
helayo, isla markaasna Ardaydaasi ay ka baxaan magaalooyinka
waa weyn iyo kuwa yar-yar ee Puntland.
25% waxa ay noqon doonaan kuwa lasiinayo Deeqaha
Waxbarashada ee laga helayo dalalka Caalamka, isla markaasna
ay arrintaasi ka wada shaqeynayaan Wasaaraddaha Waxbarashada
ee dowladda Soomaaliya iyo dowladda Puntland.
Sidoo kale marka la tixraaco Heshiiska
labadda dhinac waxa kale oo ay ku heshiiyen La dagaalanka
Arrimaha Burcad badeeda somalida iyadoo xeebaha Puntland ugu
badanyihiin meelaha burcadu ka qawlaysato Dowladdaha
Puntland iyo Faderaalku waxa ay isku raaceen qorshe wax
looga qabanayo Burcad Badeeda ka howlgasha biyaha Soomaaliya,
gaar ahaana Sohdinta ku aadan Biyaha Puntland, waxa ayna
dowladda Soomaaliya gacan ka siinaysaa dowladda Puntland in
ay wax ka qabato burcad Badeedaasi.
Iskaashiga dhinacyada ee Burcad badeeda ayaa noqon doonaa
mid dhaqaalaha dhinac walbaa helo lugu wajihi doono Kooxaha
Burcad badeeda Soomaalida ah, waxaana aan suuragalin qodob
ahaa in Puntland laga dhigo xarunta lugu tababarayo
ciidamada Badda ee dowladda Soomaaliya ay howshooda ku jirto,
maadama ay Burcadu ku badan yihiin Biyaha deegaanada
Puntland sidoo kale waxaan meesha ka maqnayn Iskaashiga
Ciidamadda iyo Tababaridooda Dowladda Faderaalka & Puntland
ayaa iskaga afgartay Arrimaha ciidamada, waxaana laysku
raacay in Puntland taageero arrimaha tababarada ciidamada,
isla markaasna ay Nambar cad yeelan doonto, balse luguma
qeexin cadadkaasi.
Sahayda ama hubabka ay helayso dowladda Soomaaliya ee
Milateri, waxaa lugu sheegay heshiiska in ay qeyb leedahay
dowladda Puntland ee Soomaaliya, ayna noqon doonaan kuwa
cad-cad oo ay dhinacyadu hirgalin doonaan.
Waxaan sidoo kale meesha ka maqnayn
iswaafajinta Heshiisyadda Sharciga iyo Dastuurka waafaqsan
Arrimaha Sharciyada iyo Faderaalka waxaa looga heshiiyey in
ay dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ay gudiga diyaarinaya
Dastuuraadka iyo Arrimaha faderaalka ay saldhigoodu noqdaan
caasumada Puntland ee Garowe Soomaaliya, ayna wada
diyaariyaan Dastuurka iyo Arrimaha Faderaalka gudigaasi oo
ay la socdaan gudi ay ku darsan doonto dowladda Puntland ee
Soomaaliya.
Gudigan ayaa howshooda bilaabaya bilaha fooda inagu soo haya,
ayadoo lasheegay in ay Gudigu noqon doonaan kuwa lugu soo
xulayo aqoon, Waayo aragnimo iyo Sumcada ay Bulshada ku dhex
leeyihiin waxaan sidoo kale meesha ka maqnayn sidii loogu
heshiin lahaa xiriirka dibadda arrimaha Xiriirka dibada
waxaa Madax banaani buuxda loosiiyey dowladda Puntland in ay
saxiixi karto heshiisyada caalamiga ah iyo arrimaha khuseeya
deegaanada Puntland.
Labada Xukuumadood waxa ay isku
raaceen in markii la dhiso Maamul gobaleedyada kale ee dalka,
lana sameeyo xeerka lugu hagayo dowlad gobaleedyada ay
markaasi Puntland ka hadli doonto xeerkaas iyo
raacitaankiisa, balse inta ka horeysaysa waxaa lugu
heshiiyey in ay Puntland u Madax banaanaato heshiisyadeeda
Dibada.
Dowladda Faderaalka ayaa balan qaaday in ay xushmeyn doonto
heshiisyada ay Puntland lagasho dowladdaha iyo Shirkadaha
Caalamiga ah, kuwasoo gaar utaabanaya danaha gobalada
Puntland ee Soomaaliya tan kale oo meesha ku jirta
Qodobkaasina Daba socda ayaa ah Qeybsiga Dhaqaalaha Wada
hadalada mudadii ay socdeen waxaa is afgaran waa ka dhacay
Dhaqaalaha sida loo qeybsanayo, taasoo aan maanta laga mid
dhigin qodobada lugu qeexay heshiiska ka koobnaa 15-ka qodob
ee ay saxiixeen Madaxweyne Faroole iyo Raysalwasaare
Sharmaake, waxaana laga gaabsaday falanqeynta qodobka
dhaqaalaha, nuqulka ay heshay AllPuntland kuma cada
qodobkaasi, inkastoo uu ka mid yahay qodobadii qornaa.
Waxaa sidoo kale taasi sii daba socda
Ha'adaha Caalamiga ah iyo Doorka samafalka Somalia heshiiska
ayaa sidoo kale lugu qoray In Hay'adaha Caalamiga ah ee
qaabilsan Soomaaliya ay ka furtaan gobalada nabdoon ee
Soomaaliya xaafiisyadooda, gaar ahaana gobalada Puntland.
Furitaankan ayaa lugu sheegay mid kor uqaadi doona in ay
Hay'adahaasi meel sare gaarsiiyaan shaqada ay uhayaan
Shacabka Soomaaliyeed, waxaana lugu dhiirigaliyey Hay'adaha
QM iyo kuwa Caalamiga ahba in ay qaadaan talaabo kasta oo ay
ku dhaqan-galiyaan arrimahaasi.
Daawo Sawirada
webmaster@ceegaag.com |