Dhimasho iyo Barakac ka
dhashay Dabqabsaday Magaaladda Los Angeles ee Gobolka
California.
(California,
August 31, 2009 Ceegaag Online)
Dab aad u
xoogbadan ayaa ka kacay Magaaladda Los Angeles ee Gobolka
California waxaana dabku noqday mid aad u awood badan ka dib
markii Laamihi Dabdamiska u caalwaayen Daminta Dabka oo aad
u heer sareeya iyadoo Dad gaaraya 12,500 oo qof guryohoodi
laga saaray waxaana wararka soo ifbaxaya tibaaxayaan in ay
ku dhinteen Dabka labbo ka mid ah Dabdamiyayaasha isku dayay
inay Joojiyaan Dabka.
Qiyaasti
Dabka ka kacay Magaaladda Losangeles ee Gobolka California
ayaa sheegaya in 30 mitir oo kor ah Dabku jiro halka Dabku
ku fiday Dhul gaaraya 14,000 oo Hektar waxaana Gubtay 35,000
oo acres sidoo kale dabka ka kacay Magaaladda Los Angeles
ayaa u badan dhinaca Buuralayda Magaaladda halkaasi oo ah
dhul kaymo le'ey ah.
Dabka
ayaan la ogayn sababta balse Gobolkaasi ayaa caan ku ah Dab
joogto ah oo ka kaca Maadaama uu kulaalo Dhul kaymo badan
waxaana burburay 12,000 oo guri halka ay khatar ku jiraan
hadda 2,500 oo kale, Dabka ayaa damiyay Raadiyayaasha iyo
Televisionadda Magaaladda ka dib markii uu waxyeeleyay
Qalabka ay ku laliyaan war Isgaarsiinta.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |