Faarax A.xooshle "Degmadda
Bayla Burcad badeed baa la wareegtay".
(Bander Bayla,
August 16, 2009 Ceegaag Online)
Degmadda Bandar beyla ee Gobolka karkaar ayaa waxay tahay
Degmo kulaasha xeebta Badweynta Hindiya waxaana maalmihi ugu
dambeeyay soo baxayay warar sheegaya in Degmadaasi ay ku
xoogeysten Kooxo burcad badeed
Somali ah hadaba si
aanu arrintaasi wax uga ogaano ayan waraysi la yeelanay
Gudoomiyaha Degmadda Beyla Faarax axmed Xooshle waxaana uu
nooga waramay xaaladahi ugu dambeeyay ee Degmadda Beyla.
Faarax axmed Xooshle Duqa Degmadda Beyla ayaa shaaciyay in
Degmadda Beyla aanay ka arrimin maamulki Degmadda iyo Gole
deegaan midna isagoo hoosta ka xariiqay inay Degmadda bayla
ka arrimiyaan Burcad badeed Somali ah waa sida uu hadalka u
dhigaye "Waxaa waayahan dambe ku soo badanayay oo soo
gelayay Degmadda bandar-Bayla nimanka burcad badeeda la
yiraahdo aad iyo aad bayna faraha ugu dhigeen Degmada
iyagana ka arrimiya gacanta maamulkina waa ka baxday
Degmadda Bayla waxana la wareegay niman Burcad ah (Burcadbadeed)
oo Gobolo badan isaga yimid oo rag deegaanka ah wadaan
waxayna ka dhigeen xarun burcad oo ay isugu soo ururaan
Nimankaasina dhibaato ayay deegaanka ku hayaan oo dadkii
Degmadda u dhashay bay madaxfurasho(Baad) ka qaadaan".
Gudoomiyaha Degmadda Bayla ee Gobolka karkaar ee maamul
Goboleedka
Puntland faarax
axmed xooshle ayaa sidoo kale meesha ka saaray inaanay jirin
awood ay ka maamul ahaan ku maamulaan degmadda isla
markaasna aanay degmadi ku sugnayn golihi deegaanka iyo
masuuliyiinti degmadda Bayla waxana uu sidoo kale xusay in
kooxda Burcad badeedda ah ay dadkii deganaa Degmadda beyla
ka xanibeen Biyihii iyagoo ka qaadanaya dadka lacag ay
biyaha ku shubtaan oo buu yiri Madaxfurasho dadkii
weydiisanaya waa sida uu hadalka u dhigaye.
Gudoomiyaha Degmadda Beyla Faarax axmed Xooshle ayaa si aan
ka leexleexad lahayn shaaca uga qaaday in Degmada
maamulkeedi ay la wareegen Burcad badeeda ka qawlaysata
Xeebaha Puntland"Waxaan cadaynaynaa inay Degmada ka taliyaan
Burcad badeed Isbahaysi ah waana run aad iyo aad bay ula
wareegen wayna haystaan Lacagna waa ku haystaan hubna waa
haystaan meeshasayna gacanta ku dhigen hadde dawladana
waxaan ugu baaqnay waxbadan arrimahaas in loo soo jeesto
waxna laga qabto ilaa hadda labadi todobaad ee ugu dambeeyay
iyaga meesha haystay".
Faarax axmed xooshle Gudoomiyaha Degmadda Bayla waxaa uu
sidoo kale xusay inay kooxdani xiriir la leeyihiin ururadda
Argagixisada ah isagoona sheegay in warar ay heleen
tibaaxayaan in ay doonayaan inay Hub kootarabaan ah ka soo
dejiyaan xeebta Beyla si ay hawlohooda usii laba jibaaran
hubkaasi oo buu yiri ay ka so gadanayaan Dalka Yaman.
Gabagabadi Gudoomiyaha Degmadda Beyla oo aan wax ka
waydiinay inay la xaajoonayana Burcadda Degmada ka soo
baacsatay ayaa yiri"Niman burcado shufta ahoo hubaysan
sharaftayada iyo karaamadayada maaha anaga inaan
Abdirashid Maxamed
Dahir
Rashid@ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |