Wasiirkii Warfaafinta
Puntland Warsame Cabdi Shirwac (Seefta banaanka) oo lagu
dilay Gaalkacyo.
(Gaalkacyo,
August 05, 2009 Ceegaag Online)
Alla ha u
naxariiste waxaa maanta lagu dilay Magaaladda Gaalkacyo ee
xarunta gobolka Mudug wasiirki warfaafinta Puntland warsame
cabdi shirwac (Seefta banaanka) waxaana dilka wasiirka ka
dambeeyay dabley hubaysan oo aan haybtooda la garanayn
iyadoo ragi dilka gaystayna ay baxsadeen waxaana wasiirka
lagu dilay afaafka hore ee Bar Federation oo ku yaala
Bartamaha Magaaladda iyadoo rasaasti ay dableydu ku fureen
uu u dhintay wasiirku dilka markii u dhacay ka dib waxaa
goobta soo gaaray Ciidamo booliis ah oo aad u farabadan isla
markaasna hakiyay dhaqdhaqaqi goobta.
Warsame cabdi
shirwac(Seeftabanaanka) ayaa dadweynaha reer Puntland
xusuustoda ku dheehan isagoo aha nin cod kar ah isla
markaana ka mid noqday golaha wasiiradda aasaaski xukuumadda
uu hogaamiyo C/raxmaan Faroole waxaana wasiirku u joogay
magaaladda gaalkacyo hawlo nabadayn ah isago ka mid ahaa
Guddi madaxweynaha Puntland u magacaabay xalinta Amaanka
Gaalkacyo waxaana wafdigaasi ku sugnaayen Magaaladda
Gaalkacyo ku dhawaad hal bil waxaana qorshuhu ahaa in
madaxweyne faroole tago Gaalkacyo si halkaasi xogtii la
ururiyay Go'aamo looga saaro.
Waa wasiirki
ugu horeeyay oo ka tirsan xukuumadda Puntland oo dil
noocaani loo gaysto tan iyo markii dhidibadda loo
tagay Maamul goboleedka Puntland 1998 waxaana falka lagu
dilay Wasiirka aad uga xumaaday Shacabka iyo xukuumadda
Puntland.
Isku
soo wadda duubo dilka wasiirka oo ah mid aad looga naxay
ayaa hadana waxaa muuqata in magaaladda gaalkacyo uu
amnigedi faraha ka baxay iyadoo magaaladu tahay goob wayn oo
ay deganyihiin dad aan isku isir ahayn taasi oo ka dhigtay
Magaaladda meel furin ah oo amniged aan la isku halayn karin
iyadoo magaaladda ay dhexyaacayaan kumanaan ciidamo ah oo
iska u soco ah balse dhawaantan ayay ahayd markii xukuumadda
Puntland ay ku dhawaaqday in la dhimay tiradda ciidmada
Gobolka Mudug.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |