Nin abeeso
koriyoow adigaa u aayi: Maxamed Dheere iyo xubno kale oo
lagu xiray Itoobiya
(Doolow,
Soomaali Galbeed. February 16, 2009 Ceegaag Online)
Wararka ka imaanaya degmada Doolow ee Ogaadeeniya ayaa
sheegaya in ciidamada dalka Ethiopia ay xireen
gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb
Maxamed Dheere iyo xildhibaan Maxamud Sayid Aadan oo ka
tirsan xildhibaanada barlamanka Somalia. iyo
korneyl Xasan Dhicis oo ka tirsanaa ciidamada Booliska.
Weli si dhab ah looma oga sababaha ka
dambeeya xariga labada nin laakiin warar xog ogaal ah ayaa
sheegaya in maalmahanba uu jirey baaqyo loo jeedinayey
labada nin oo ka imaanayey dhinaca dowlada Ethiopia kuwaasi
oo ugu baaqay Maxamed Dheere iyo Xildhibaan Maxamud Sayid
Aadan inay dib ugu laabtaan Soomaaliya taasi oo iyaguna ay
ka dhego adeygeen sababo xagga amaanka awgeed ah.
Maxamed Dheere iyo Xildhibaan Maxamud Sayid Aadan waxaa
horey ay uga soo carareen degmada Baydhabo ee gobolka Bay
markii ay halkasi qabsadeen dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Al
Shabab.
Ma cadda
sababaha ay dowladda Ethiopia mas'uuliyiintaan dib ugu soo
celisay, waxaana ay hadda ku xirxiran yihiin magaalo la
yiraahdo Nageyle oo ku taala dhulka islaamulka Soomaalida.
Arintan soonoqnoqonasa ayaa ina
xasuusinasa odhaahdii NIN ABEESO KORIYOOW ADIGAA U AAYI.
AXDI MALAHA XABASHIDU LAGU AAMINAAYE.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |