Salaada Ciidul Adxaa oo laga
Tukaday Goboladda Puntland.
(Garoowe
November 27, 2009 Ceegaag Online)
Waxaa ay Maanta ku beegnayd Tukashadda
Salaada Ciidul Adxaa oo ku aadan wakhtiga ay Muslimiinta
Caalamku gudanayaan Xajka,Salaada Ciida ayaa maanta laga
tukaday Guud ahaanba Dunida Islaamka,Soomaaliya ayaa lag
ciiday Maanta Marka La eego Magaalooyinka Muqdisho iyo
Deegaanadda kale ee Koonfurta Soomaaliya ayaa si kala
gooni,gooni ah looga Tukaday Salaadi Ciidul
Adxadda,Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa iyana Si wayn
looga Ciiday Maanta oo Jimce ahayd.
Magaalooyinka
Boosaaso,Qardho,Garowe,Gaalkacyo,Buuhoodle iyo Laascaanood
ayaa Maanta sidoo kale si wayn looga Oogay Salaadi Ciidul
Adxadda,Magaaladda Garoowe ayaa lagu Tukaday Garoonka
Kubadda Cagta ee Mire awaare waxaana ka soo qaybgalay
Tukashadda Salaadi Maanta-Haween,Caruur,Dhalinyaro iyo
Shuyuukh waxaa sidoo kale iyana Goobta ku sugnaa Masuuliyin
ka tirsan Maamulka Puntland.
Inta aan salaada Ciida la tukan ayaa waxaa
Masuuliyiinta loo hor mariyay qudbooyin kala Duwan Kuwaas oo
dhamaantoodba ka sinaa Dhanka Amniga inkastoo Madaxwaynaha
Puntland uu isagu ka hadlay Arrimo badan oo dhinacyo badan
taabanaysa ayna ugu horayso Amaanka, waxana uu balan qaaday
in ka maamul ahaan ay amaanka xoojin doonaan waxaana uu ugu
Baaqay shacabka in ay kala shaqeeyaan Amaanka Ciidamada
ammaanka meel walba oo ay joogaan, waxaa uu si gaar ah u
xusay dadka soo barakacay koonfurta Soomaaliya kana
shaqaysta Puntland in ay soo sheegan dadka ku
dhuumalaysanaya ay iska qabtaan oo ay amaankana Ka
shaqeeyaan,Madaxwaynuhu waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay
heshiis dhawaan ay ku kala boodeen Isaga iyo Madaxwayne
Sheekh Shariif sh. Ahmed kaaso ka dhacay Nairobi waxaa uu ku
tilmamay waa sida uu hadalka u dhigaye mid lagaga soo
horjeedo hormarka iyo mashaariicda Puntland kaasna aysan
cidna ka yeelayn.
Magaaladda Boosaaso ayaa iyana Maanta laga
Tukaday Salaadi Ciidul Adxaa waxaana lagu oogay Stadium
Boosaaso halkaasi oo laga jeediyay Khudbado kala
Duwan,Magaaladda Qardho ayaa laga Tukaday Salaada Ciida
waxaana ka hadlay Madaxweynihi Hore ee Puntland Gen:Cadde
Muuse Xirsi oo sheegay inay Laga maarmaan tahay in la dhawro
Amaanka isagoo ka hadlay Falal Amaanka lidi ku ahaa oo
Maalmihi ugu Dambeeyay ka dhacayay Magaaladda Qardho isagoo
yiri"Waxaan leeyahay Shacabka Reer Puntland ilaashadda
Amaankiina iyo Danihiina...Waad aragtaan Maanta Somalia way
ololaysaa waxa ka taagana iyagaa Soomali gacmohooda ku
kasbaday...Reer Qardhod ayaama Dhawayd waxbaa la idinka
sheegayay iska daaya waxaas waa inaad Danihiina Raacataan
waad ogtihiin Jabkii dhacaye".
Isku soo wadda Duubo salaada ayaa sidoo kale
laga Tukaday Magaalooyinka Buuhoodle iyo Laascaanood
iyadoona ay Iidaan Caan ku tahay Qalida Xoolaha Noocyadooda
Kala duwan.
Daawo Sawirada
Abdirashid Mohamed Dahir
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |